Oodweyne(Dawan): Badhasaabka cusub ee gobolka Daad-Madheedh ee xaruntiisu tahay magaaladda Oodweyne Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa shalay xilkii si rasmi ah ugala wareegay badhasaabkii. Munaasibad balaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen labadan masuul waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Oodweyne, Degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa loogu kala wareejiyay xilka Badhasaabka cusub iyo Badhasaab ku xigeenka Oodweyne Maxamuud Axmed Cali (Juba) oo xilkaa sii hayay.Iyadoo munaasibadaa uu goob joog ka ahaa Agaasimaha wasaaradda arrimaha gudaha ee gobolada iyo Degmooyinka Maxamed Cali Maxamed oo xilka u kala wareejiyay masuuliyiintaa, isagoo wakiil ka ah wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Maayarka Magaaladda Oodweyne Cabdixakiim Nuur Muuse, oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi ayaa ku soo dhaweeyay furitaankii munaasibadda badhasaabka cusub Dr. Axmed Naasir Maxamed Xaashi.
Badhasaabka cusub ee Oodweyne Dr. Axmed Naasir, oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa balan qaaday inuu hawsha qaranka iyo masuuliyada loo igmaday halkaa ka sii wadi doono. Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay sarkaalka ka socday wasaaradda arrimaha guddaha Somaliland, taliyaha qaybta Booliska iyo badhasaab ku xigeenka, waxaanay dhamaan masuuliyiintaasi balan qaadeen inay la shaqaynayaan badhasaabka cusub. Xubno ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Oodweyne oo hadalo kooban ka jeediyay munaasibadaa, ayaa balan qaaday inay shacbi ahaan ula shaqaynayaan bashaabka sidii ay kuwii ka horeeyay ula shaqaynayeen.
Dawannews Hargeysa office