Miisaanka Maskaxda iyo Fikirkeedu Miyay Isku Xidhan Yihiin?

0
740

Celceliska Miisaanka maskaxda aadamiga ayaa lagu qiyaasay inuu gaadho 1361 Gr iyadoo Hoombarada badda ku jirta oo ka mid ah kuwo ugu maskaxda badan xayawanka uu iyadana noqday miisaanka maskaxdeedu 1361 Gr.
Nibriga oo isna lagu tiryo kuwa aan maskaxada fiican lahayn ayuu gaadhay miisaanka maskaxdiisu 7800 gr. Haddii aynu xayawaanada yaryar eegno miisaanka maskaxda Eyga nooca ugaadhsiga aya noqday 72 Gr, daayeerka nooca Orangutan ayaa isna noqoday 370 Gr. Nooca eygan iyo dayeerkan aya ah kuwa ugu maskaxda badan haddana maskaxdoodu way yar tahay halka Nibriga oo lagu tiriyo kuwo ugu maskxada weyn uu noqday kuwa maskaxda xun.
Waxana halkaasi ka cadaatay in miisaanka iyo weynaanta maskaxdu aanay xidhiidh la lahayn caqli badnaanta, sida ay dad badani aaminsanaayeen in qofka madaxa weyni uu maskax ka badan yahay kan madaxayar. Miisaanka jidheed ee hoombarada aya lagu qiyaasay inay tahay 158 Kg, halka Nibrigana lagu qiyaasay inuu gaadho 13 Ton, waxana halkaasi ka cad mar kasta oo uu jidhku weynaado in lafuhun ay waynaanayaan, laakiin aanay jirin xidhiidh ka dhexeeya miisanka jidheed iyo maskax iyo caqli badananta (Smart).

Leave a Reply