Nin lagu Eeedaynayo Qaraxyadii Baariis oo la Helay Farahiisa

0
425

Booliiska dalka Belgium ayaa sheegay inay heleen raadka faraha Saleh Abdeslam iyo suun loogu talo-galay in qarax is-miidaamin ah lagu fuliyo, kadib baadhitaan ay ku sameeyeen guri ku yaalla magaalada Brussels.

Saleh Abdeslam ayaa lala xidhiidhinayaa weeraradii 13-kii November ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faraas, oo lagu dilay 130 qof.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Belgium ayaa jimcaha ku dhowaaqay in raadka faraha Abdeslam la helay kadib baadhitaan lagu sameeyey waxyaabihii laga soo helay gurigan oo ciidamada ay galeen tobankii Desember.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa hadal qoraal ah ku sheegay in gurigan lagu kireystay magac iyo aqoonsi been ah, lagana yaabay inuu isticmaalayey mid ka mid 10 qof oo Belgium-ka loogu xidhay tuhunno argagixiso.

Dhinaca kalena, madaxweynaha Faraas, Francois Hollande ayaa ku dhowaaqay in booliiska dalkiisa loo ogolaan doono inay hubkooda haystaan, xitaa marka aysan shaqeyneyn, wuxuuna ballan qaaday in 5,000 oo sarkaal oo kale uu ku kordhin doono ciidamada ammaanka. 

Leave a Reply