Qabowgu Wuu Ka Caafimaad Badan Yahay Kulaylka

0
508

Khubarada Caafimaadka ayaa cadaysay in qabowgu uu ka caafimaad badan yahay shan jeer kulaylka,waxaanay intaasi raaciyeen inuu ka khatar badan yahay dhanka caafimaadka marka loo eego.
Aqoonyahan kala duwan oo ka socday jaamacadda Harvard University ee wadanka Maraykanka ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay in ay dadka weydiiyeen su’aalo ay saldhig u ahayd kee khatar badan kulaylka iyo qabowga ,waxaanay sheegeen inay heleen jawaabo u badan in uu caafimaadka u fiican yahay qabowgu.
Khubaradan ayaa sidoo kale sheegay inay goobaha baadhitaanada ku sameyeen baadhitaano daraasadan la xidhiidha ,iyaga oo ogaaday in waqtiga qaboobaha ah ay yar tahay bacteria-da keenta xanuunadu,sidoo kalena uu dheefshiidka cuntadu aad u shaqeeyo,habka difaaca jidhka ayaa isna ah mid si fiican u shaqeeya,haka waqtiga kulaylahana uu jidhku difaac badan galo,isaga oo tamar badan ku bixiya difaacaasi,waxaanay taasi keentaa ayay yidhaahdeen khal khal dhinaca dhiig wareega ah.
Khubaro kale oo ka socotay Geneva ayaa sheegay in ay sameeyeen tijaabooyin kala duwan oo dhinaca laabka iyo dhinaca tijaabooyinka caadiga ahba,iyaga oo intaasi raaciyey inay ogaadeen in qabowgaasi uu yareeyo culayska jidhka ,taas oo laga arkay tijaabo ay ku sameeyeen jiir nooca tijaabooyinka ah.
Khubaradan ayaa usoo jeediyey dadka in haddii ay ay qabo dareemaan ka hooseeya 5 C in loo baahan yahay inay xidhaan koofiyado iyo sidoo kalena dhar cudbi ah ,iyaga oo wejiga marinaaya kiriimo ,si laysaga ilaaliyo in jidhku aad u qaboobo.
 
 
 

Leave a Reply