Dhakhaatiirta Indhaha Japan Oo Ku Guulaysatay Inay Indhaha U Qalaan Daanyeer Muddo Dheer Indho La’aa

0
396

Dhakhaatiirta indha ee wadanka Japan ayaa ku guulaystay inay araga indha dib ugu soo celiyaan daanyeer muddo dheer indho la’aa oo ay qaliin ku sameeyeen.
Khubaradan indhaha ayaa adeegsaday qalabyo kala duwan oo ay ku doonayeen inay indhaha ugu hagaajiyaan daanyeerkaasi,kaas oo wadamo badan la geeyey lagana quustay ,waxaanay ugu dambayn heleen qalab suurto geliyey inuu wax arko daanyeerkaasi.
Daanyeerkan ayaa loo geliyey indhaha bani’aadmiga qaybo kamid ah,kuwaas oo muddo lagu dhex korinaayey indhaha daanyeerkaasi,waxaana ugu dambayn lagu guulaystay in lab loogu geliyo indhahaasi ,gaar ahaana qaybta wiilka.
Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii lagu guuldaraystay in indhahaasi loo geliyo daanyeerkaasi,iyada oo dib loogu sameeyey qaliino kala duwan.
Daanyeerkan ayaa u indho beelay kadib markii uu ku dhacay xanuunka midabka isku yaaciya ,kaas oo ugu dambayntii waayey aragtidiisii.
Dhacdadan ayaa rajo gelisay dad aad u tiro badan oo ku kala nool caalamka,kuwaas oo xal loo waayey aragooda iyo sidii loo soo celin lahaa,waxaanay khubaradan reer Japan sheegeen in ay isku dayi doonaan inay dadkana kuwo badan isku dayaan inay ka caawiyaan dib u helida aragooda.

Leave a Reply