Waa Maxay Sababta Bisaduhu Ugu Ekaadaan Hitler

0
441

Khubaro dhinaca sayniska aad ugu takhasusay ayaa dhowaanahan waday daraasad ay ku daba gelayeen bisado tiro badan oo dhashay iyga oo u eg madaxweynihii hore ee wadanka Jarmalka Adolf Hitler.
Saynisyahanadan oo ka socday jaamacadda University of Bath ayaa sheegay in ay arkeen bisado badan oo shaarubaha ku leh wareeg yar oo u eg shaarubihii madaxweynihii hore ee wadanka Jarmalka Adolf Hitler,kaas oo caan ku ahaa shaarubaha noocaas ah.
Khubaradan ayaa ku sababeeyey isbedelkaasi iyada oo ay is bedeleen unugyo badan oo ah kuwa bisada kuwas oo keenay inay sidan isu bedelaan shaarubaha bisadu,iyada oo aanay dhamaystirnayn unugyada bisadahaasi qaarkood.
Professor Jan Jackson oo ka socday isna jaamacadda Edinburgh ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in qaybo kamid ah midab dhaliyaha bisadaha ,gaar ahaana shaarubuhu inay khal khal galeen,taas oo keentay in dhogorta bisadu noqoto mid cadaana ,halka shaarubuhuna noqonayaan madow kooban.
Khubaradan Saynisyahanada ah ayaa shegay inay sii wadayaan daraasadan ilaa ay ka gaadhayaan halka uug dambaysa oo ah inay helaan sababta ,madaama oo ay dhici karto in uu jiro xanuun keenaaya inay kala midab noqdaan shaarubaha bisada iyo inteeda kale.

Leave a Reply