Caruurta Oo La Ogaadey Inay U Fiican Tahay Akhriska In Lagu Baro Saddex Jirka

0
366

Khubaro dhinaca cilmi nafsiga ah ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen waxay ku sheegeen in ay caruurta u fiican tahay in wax akhriska lagu baro marka ay da’doodu tahay ilaa saddex sanno jirka,halka lagaga baraayo shan jirka ilaa lix sanno jirka.
Culimadan ayaa sheegay in shan jir ilaa lix sanno jir  haddii akhriska lagu baro ay noqon doonaan caruurtu kuwo kala saari kara waxyaalaha sawiradda ah iyo kuwa xarfaha ah,madaama oo ay hore ula soo qabsadeen akhriska iyo qroaalkaba.
Cilmibaadheyaashan oo ka socday Qaybta cilmibaadhista ee Rebecca Treman oo hoos tagta jaamacadda Washington University ayaa sheegay in ay daraasadii ay sameeyeen ku heleen natiijo muujinaysa in caruurtu intay yar yar yihiin ay ku fiican yihiin akhriska,iyaga oo hore ula qabsada,waxa keliyaata ee ay u baahan yihiin ay tahay caawimo.
Madaxa kooxdan ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in caruurta ay ku sameeyeen tijaabada oo da’ahaan ahaa saddex sanno jir ilaa shan sanno ay si fiican ula qabsadeen qaacidooyinka akhriska ,gaar ahaana iyaga oo kuwii saddex sano jirka ku bilaabay ay si fiican ula qabsadeen akhriska iyo qoraalkaba.
Kooxdan ayaa sidoo kale tijaabooyin sawiro iyo qoraalo ah ka qaaday caruurtaasi ay tijaabada daraasadan ku samaynayeen,iyaga oo ku tilmaamay ereygii ugu badnaa ee la khalday inuu ahaa Dog,iyada oo mararka qaarna loo samaynaayey habab sawir ahaana.
Daraasdan ayaa natiijadeedii lagu sheegay in caruurta da’ahaan jirta saddexda sanno ay awood ulee yihiin ay ku kala saaraan kelmadaha ay arkaan,sidoo kalena ay akhriyi karaan,waxaanay soo jeediyeen in caruurta akhriska iyo qoraalka lagu baro intay da’ahaan yar yar yihiin.

Leave a Reply