Kibirkii Ayaa Burburiyay Quwadii Hore Ee Japan!

0
339

Japan ayaa ahayd dawlad weyn oo dhulka Aasiya ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaan aad uga saraysay  horaantii qarnigii 20aad,  taasi ayaa keentay inay xataa dalka China duulaan ku qaado oo ay gumaysato.
Qarnigii 20aad horaantiisa  Japan waxay ka samaysay Aasiya gumaad aad u xun. Shacbiga dadkiisa ayay iyagoo nool aasi jirtay. Sawirka waxa ka muuqda dad shacab ah oo Shiine ah oo ay ciidanka qabsaday ee Japan ay aasayaan iyagoo nool. Waxa kale oo ay iyaguna si arxan daran u dili jireen dumarka iyo caruurta. Taariikhdan ayaa dalka China looga yaqaan waayadii madoobaa ee gumaystaha Japan. Dagaalkii labaad jabakii ku dhacay Japan ayaa sabab looga dhigaa kibirkaasi iyo xasuuqii ay ka geysteen guud ahaan Aasiya gaar ahaan China.
 
 

Leave a Reply