Saddex ma raaxaysatid ilaa ay kaa tagaan : Shakiga, Daynta iyo saaxiibka xun. Saddex haddii aad dib u dhigto faa’iido maleh: Casuumadda, Tacsida, iyo salaadda makhrib. Saddex ha qaadan ilaa aad iska ogaato: Malabka, iyo Gabadha. Saddex hala saaxiibin : Axmaqa, qofka hamiga yar, iyo kan aan dadnimada lahayn. Saddexna ha dhegaysan: dira diraalaha, beenaalaha, iyo markhaati beenaalaha. Sadexna ra’yigooda qaado: Kan deeqsiga ah, Kan ilaaliya salaadda, iyo Ka ay waalidkiisu raalida ka yihiin.