Xukuumadda Oo Dhaqan-gelisay Xeer Muhiim u Ah Ilaalinta Deegaanka Dabiiciga ah

0
382

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqan-geliyay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur-joogta, oo hore Golaha Wakiiladdu u meel mariyeen.
Sidaasna waxa lagu faahfaahiyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.
 
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015
  Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta    Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.ALLAA MAHAD LEH.”
 
Xildhibaan Ugu  Baaqay  Golaha Wakiiladda Inay  Dib u Celiyaan  Xeerka Baananka Ganacsiga
By: Khadar M. Dhako
Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi,  oo ka  tirsan  mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in  culimaddu  dalku  ay diideen   xeerka baananka ganacsiga ee horyaala golaha Wakiiladda.
Xildhibaanku waxa uu  tilmaamay in culimadu ay ku doodayaan una soo  bandhigeen in xeerka baananka ganacsigu khilaafsan yahay shareecada islamka isla markaana  aan loo baahnayn in xeerkaasi  ay  golaha wakiiladu  ansixiyaan.
 
“Guddidii loo igmaday inay soo darsaan xeerka baananka ganacisga,  oo qeylo badani ka taagnayd dhinaca shareecada waxaanu   maanta (shalay) u   gudbinay golaha  Wakiiladda  oo aanu ka hor   akhrinay go’aankii gudidda,   kadib  markii  aanu la soo kulanay culimadda dalka isla markaana aanu aragnay shakhsiyaad  kale oo arrimaha baananka iyo shareecadaba aqoon u leh,”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.
Xildhaanka   ayaa  golaha wakiiladda u soo jeediyay in xeerka baananka   ganacsiga dib loogu celiyo xukuumadda.  Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Markaa waxay  qoraal ku soo saxeexeen 12 culimo  ah,  oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar (Dirir),  Sheekh Maxamuud Suufi  Muxumed  iyo   Sheekh Almis  Yaxye.  Culimadaasi waxay  noo   soo gudbiyeen qoraal ay soo wada saeexeen,  qoraalkaas oo ay ku sheegayaan  in   xeerkaasi  uu  khilaafsan yahay shareecada islaamka.  Waxaanay  ku  taliyeen  culimaddu in la joojiyo xeerkaas. Sidaas ayaanu  ugu gudbinay golaha wakiiladda.
Waxaanan   rejaynaynaa in sidaa golaha wakiiladdu ku qaato.  Maadaama oo ay tahay arrin shareecada ka soo horjeeda,  qaabkan ribada ah.  Dastuurkeeenanna   ay ku   qoran tahay  in  wax kasta   oo Ribada ku saabsan    in ay tahay  xaaraan.  Ma  aha arrin goluhu   dood dambe  gelin karo,   waxaanan  u soo jeedinayaa  golaha  in xeerkan  baananka lagu celiyo   xukuumadda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply