Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhaqan-geliyay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duur-joogta, oo hore Golaha Wakiiladdu u meel mariyeen.
Sidaasna waxa lagu faahfaahiyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) oo u qornaa sidan:-
âMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016Â uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Â Goâaanka Golaha Wakiillada Goâaan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015
  Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta   Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.ALLAA MAHAD LEH.â
Xildhibaan Ugu  Baaqay Golaha Wakiiladda Inay  Dib u Celiyaan  Xeerka Baananka Ganacsiga
By: Khadar M. Dhako
Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in culimaddu dalku ay diideen  xeerka baananka ganacsiga ee horyaala golaha Wakiiladda.
Xildhibaanku waxa uu  tilmaamay in culimadu ay ku doodayaan una soo  bandhigeen in xeerka baananka ganacsigu khilaafsan yahay shareecada islamka isla markaana aan loo baahnayn in xeerkaasi ay golaha wakiiladu ansixiyaan.
âGuddidii loo igmaday inay soo darsaan xeerka baananka ganacisga, oo qeylo badani ka taagnayd dhinaca shareecada waxaanu  maanta (shalay) u  gudbinay golaha Wakiiladda oo aanu ka hor  akhrinay goâaankii gudidda,  kadib markii aanu la soo kulanay culimadda dalka isla markaana aanu aragnay shakhsiyaad kale oo arrimaha baananka iyo shareecadaba aqoon u leh,âayuu yidhi Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi.
Xildhaanka  ayaa golaha wakiiladda u soo jeediyay in xeerka baananka  ganacsiga dib loogu celiyo xukuumadda. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi âMarkaa waxay qoraal ku soo saxeexeen 12 culimo ah, oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar (Dirir), Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo  Sheekh Almis Yaxye. Culimadaasi waxay noo  soo gudbiyeen qoraal ay soo wada saeexeen, qoraalkaas oo ay ku sheegayaan in  xeerkaasi uu khilaafsan yahay shareecada islaamka. Waxaanay ku taliyeen culimaddu in la joojiyo xeerkaas. Sidaas ayaanu  ugu gudbinay golaha wakiiladda.
Waxaanan  rejaynaynaa in sidaa golaha wakiiladdu ku qaato. Maadaama oo ay tahay arrin shareecada ka soo horjeeda, qaabkan ribada ah. Dastuurkeeenanna  ay ku  qoran tahay in wax kasta  oo Ribada ku saabsan   in ay tahay xaaraan.  Ma aha arrin goluhu  dood dambe gelin karo,  waxaanan u soo jeedinayaa golaha in xeerkan baananka lagu celiyo  xukuumadda.â
Dawannews Hargeysa office



















