Khudbaddii u Dambeysay ee Obaama Jeediyo

0
327

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama waxa uu ku faanay guulihii uu gaadhay, waxaana uu diiradda saaray mustaqbalka Isaga oo jeedinayey khudbaddiisii toddobaad ee qaranka, ahaydna tiisii ugu dambeysay.
Obama oo hortaagan xubnaha congress-ka Mareykanka, ayaa u muuqday nin degan, oo niyadsan, wuxuuna tusmeeyey baahida loo qabo in Mareykanka uu ka bogsoodo siyaasadda sida qotoda dheer u kala qeybisay Mareykanka.
Obama waxa uu sidoo kale mararka qaar si aad ah u dhaleeceynayey xubnaha Jamhuuriga ee u baratamaya sidii ay isaga ugala wareegi lahaayeen xafiiska.
Waxa uu si gaar ah u dhaliilay “Siyaasadda dadka ku beegsatay sababo la xidhiidha jinsigooda iyo diintooda”, hadalkaas oo loo arkay inuu ku weeraray Donald Trump oo doonaya in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.
“Marka siyaasiyiintu ay aflagaadeeyaan muslimiinta, marka masaajidada la weeraro, ama ciyaalka la harowsado, taasi nagama dhigeyso ammaan, waana qalad” Ayuu yidhi madaxweyne Obama.
Obama waxa uu sidoo kale kuwa isaga kasoo horjeeda ku weeraray arrimaha dhaqaalaha, isaga oo leh “Qof kasta oo ku doodaya in dhaqaalaha Mareykanka uu hoos u dhacayo, waa qof ku sugan xaalad qiyaaali ah”.
Isaga oo ka hadlayey arrimaha dibedda, Obama waxa uu qiray halista kooxaha argagixisada ah, sida Daacish oo caalamka ka fulisay weeraro badan oo dhimasho leh. Hase yeeshee waxa uu sheegay in xagjiriinta Islaamiga ah aysan halis ku ahayn jiritaanka caalamka, isaga oo u digay kuwa odhanaya in dagaalkii saddexaad ee dunida uu soo socdo.
Obama ayaa xafiiska ka tagaya bisha January ee 2017, iyada oo Mareykanka uu dooranayo madaxweyne cusub bisha November ee 2016.
.
 

Leave a Reply