Marxuum-Abwaan Cali Sugulle Oo Si Heer Qaran Ah Maanta Loogu Aasayo Hargeysa

0
400

Hargeysa(Dawan):-Guddidii uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay qaban-qabada aaska marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal (dun-carbeed), ayaa sheegay in maanta si heer qaran ah loogu   aasi doono magaalada Hargeysa.
Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ah guddida qaban-qaabada Marxuum Cali Sugulle ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay qorshaha loo dejiyay in loo aaso marxuumka, waxaanu yidhi  “Waxaan doonayaa in aan ka hadalno aaska aynu filayno in Khamiista (maanta)  uu ku dhaco  magaalada Hargeysa ee marxuum Abwaan Cali Sugule Cigaal   (dun-carbeed), waxa aanu doonaynaa in aan buslshadda la socodsiino in hawlihii qaban-qaabo ee aaska marxuumkaas ay diyaar yihiin shacbiguna ay diyaar u noqdaan  inta ka soo qeyb-gali karta aaskuna ay ka soo qeyb-galaan khamiista  8:00  subaxnimo waxa aanu ku sugaynaa maydka marxuumka  garoonka diyaaradaha ee Cigaal international Airport ee magaalada Hargeysa oo laga soo qaadi doono.”
Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isaguna sheegay in marxuuum Cali Sugulle uu ahaa shakhsiyad ay ka dhab ahayd hal abuurnimadu.   “Waa marag ma doon in la isku raacsan yahay in abwaannimadu ka dhab ahayd marxuumka.oo ciddii  faciisa ahayd  way  wada yaqaaneen maruxuumka waxaana la sheegay markii uu iskuulka ku jirayna uu ku fiicnaa tacliinta,”Ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply