Qof Is-Qarxiyey oo 10 Qof Ku Dilay Kameruun

0
637

Ugu yaraan hal qof oo is-miidaamiyey ayaa isku qarxiyey masjid ku yaalla woqooyiga dalka Kameroon, isaga oo dilay ugu yaraan 10 qof, islamarkaana dhaawacay in ka badan toban kale.
Saraakiil ayaa sheegay in qofka is-qarxiyey uu qeyb ka yahay tirada dhimashada.
Dhacdadan ayaa subaxnimadii Arabacada  ka dhacday magaalada Kolofata ee ku dhow xadka kameruun ay la wadaagto Nigeria.
Inkasta oo ay aysan jirin cid si ramsi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayaa haddana dhacdadan waxa ay si aad ah u shabahdaa weeraro dhowr ah oo kooxda Boko Haram ay aagga ka fulisay.
Kooxdan xagjirka ah ayaa muddoo lix sano ah waxa ay dagaallo ay dooneyso inay ku dhisto dowlada Islaami ah ka wadday woqooyiga bari ee Nigeria, waxayna dhowaanahan billowday inay xuduudda ka tallaabto.
Kameroon ayaa qeyb ka ah xulufo ka kooban shan dal oo loo aas aasay inay ka adkaadaan Boko Haraam. Xulufadan ayaa ka kooban ciidamo ka kala yimid dalalka Nigeria, Niger, Jaad, Kameroon, iyo Benin.

Leave a Reply