Xukuumadda Somaliland Oo Si Adag Uga Jawaabtay Midowga Yurub Oo Cambaareeyay Qisaastii Lagu Fuliyay Gacan Ku Dhiigleyaashii Maxkamaduhu Xukumeen

0
411

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab adag ka bixisay hadal cambaarayn ah oo ka soo yeedhay Midowga Yurub oo Somaliland ku naqdiyay fulinta qisaas lagu fuliyay Isniintii  dhawr qof oo gacan ku dhiigleyaal ahaa oo hore si badheedh ah dilal kala duwan ugu kala dilay afar qof.
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka Somaliland Axmed Faarax Cadarre,ayaa cambaaraynta Midowga Yurub ku tilmaamay hadal aan Somaliland khusayn oo aan waxba ka bedelayn in ay Somaliland ku dhaqanto isla markaana ay fuliso xukunka shareecada Islaamku u jidaysay iyo qawaaniinta dalka u yaalla ee sharciga ah ee uu ugu horreeyo Dastuurka Somaliland oo waafaqsan shareecada Islaamka.
Waxaa kale oo uu sheegay in fulinta dilka qisaasta ahi uu yahay mid ay ku jirto nabad-gelyada iyo ammaanka ummada Somaliland taasoo ah mid ALLE waajibiyay oo lagu kala nabad-gelayo isla markaana qofkii gacan ku dhiiglaha ahaana uu marayo xukun sharciga ALLE ah.
Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Somaliland waxaa uu sidaa  ku sheegay mar uu xalay Wargeyska DAWAN wax ka waydiiyay sida ay Xukuumad ahaan u arkaan cambaaraynta Midowga Yurub.
“Horta marka hore Somaliland waa dal qaran ah oo jira oo leh shuruucdiisa iyo qawaaniin uu ku dhaqmo,kuwaasoo dhammaantood waafaqsan shareecada Islaamka,xukunka qisaasta ah ee Somaliland ay fulisayna waa xukun ALLE jideeyay oo ah in qofka qof si badheedh ah u dila in la dilo ALLE ,ayaa jideeyay waana xukun diini ah,intaa waxaan raacinayaa dilalka qisaasta ah ee la fuliyay waxay soo mareen jaran-jarooyinka garsoorka dalka ee hoose illaa sare waxaanay lahaayeen qareenno difaacayay cid aanay ku caddayn dilka badheedhka ah ee ay gaysatay isla markaana aan Maxkamadaha kala duwan hortooda aanay kaga caddaan oo aan  lagaga hor marag furin iyaguna aan qiraal ahayn oo la qisaasay ma jirto,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaalladu.
 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay ayaa intaa ku daray. “Dadka la qisaasay maaha dad suuqa laga soo qabtay  ama xukun siyaasadeed lagu fuliyay oo siyaasad loo dilay laakiin waa dad dil ay gaysteen loo qisaasay mid ay Somaliland fulintiisa cid kale wax ka waydiinaysana maaha,annaga ayaa og halka ay nabad-gelyadayadu ku jirto oo ALLE, ayaa noo sheegay,Midowga Yurubna  siday dantooda u  garanayaan ayaanu annaguna taayada u naqaanaa, gacan ku dhiigle kasta oo badheedh wax u dilayna waa waajib in uu qisaas maro oo xataa isaga ayay dantiisu ku jirtaa in la qisaaso,  waanan sii wadaynaa fulinta dilalka qisaasta ah. Xuquuqda Aadamaha iyo sharafta dadkuna waxay ku jirtaa oo kaliya wuxuu ALLE jideeyay oo qudha.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply