Baadhitaan lagu Sameynayo Hablihii lagu Afduubay Neyjeeriya

0
298

Madaxweynaha Nayjeeriya, Muxammadu Buhari, ayaa amray in baadhitaan cusub lagu sameeyo afduubkii sanad iyo badh ka hor loo geystay in ka badan 200 oo hablo  arday ah.
Ururka Boko Xaraam ayaa gabdhahaasi ka qafaashay iskuul la seexdo oo ku yaalla magaalada Chibok ee Woqooyi Bari Neyjeriya.
Madaxweyne Buhari ayaa sheegay in baadhitaanka cusub lagu eegi doono xaaladihii dhaliyay in gabdhaha la qafaasho iyo qaabkii ay dowladda uga jawaabtay xilligaasi.
Waxaa adag in baadhitaanka ay kasoo baxaan tilmaamo muujinaya halka lagu hayo gabdhahaasi.
Madaxweynaha ayaa arrintan shaaciyay ka dib markii uu kulan la yeeshay qoysaska gabdhaha maqan. Waxa uu u sheegay in uu ku dadaalayo sidii lagu heli lahaa hablahaasi.

Leave a Reply