QM: Burundi Waxa ay ku Dhowdahay Burbur

0
569

Madaxa Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa ka hadlay rabshadaha sii kordhaya ee dalka Burundi, isaga oo ka digay in burbur dhameystiran oo ku yimaada amarkii iyo kala dambeyntii dalkaas uu qarka saaran yahay.
Zeid Ra’ad Al Hussein oo ah madaxa UNHCR, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weeraradii 11-kii Desember ay ciidamada booliiska ku qaadeen taageerayaasha mucaaradka ay ahaayeen xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxa uu ku warramay inay jiraan warbixino sheegayey kufsi loo geystay haweenka intii ay socdeen howlgallada booliiska, iyo warbixino laga helay dadka deegaanka oo shaaca ka qaaday xabaal wadareedyo.
Zeid Ra’ad Al Hussein ayaa sheegay in warbixinadan ay dirayaan digniin ah in xasaradaha jinsiga ku salleysan ee Burundi ay sii kordhyaaan.
Ciidamada Burundi ayaa 12-kii Desember ku warramay in 87 qof lagu dilay caasimadda Bujumbura, kadib weerar ay sheegeen in lagu soo qaaday saddex saldhig booliis, hase yeeshee dadka deegaanka ayaa ciidamada ammaanka ku eedeeyey dilalkan.
 
 
 

Leave a Reply