Burkina Faso oo Waaran u Jartey Afhayeenka Baarlamaanka Ivory Coast

0
364

Burkina Faso ayaa waaran qabasho oo caalami ah u jartey afhayeenka baarlamaanka dalka Ivory coast  mr  Guillaume Soro.
Waaranka ayaa ku saabsan door  la sheegay inuu ku lahaa iskuday inqilaab oo ka dhacay Burkina Faso bishii  September, kaasi oo sababay mudaharaadyo dhimasho keenay.
Masuuliyiinta ayaa dhegaystay hadallo telefoon oo duuban oo la xidhiidhinaya Mr Soro  inqilaabka, sidaasna waxa werisay wakaalada wararka  Reuters.
Mr Soro ayaa had iyo jeer dafirayay inuu codkaasi ku jira cajaladu  ahaa kiisa.
Afhayeenka ayaa isbaheysi la ah madaxweynaha Ivory Coast  Alassane Ouattara.
Mr Soro iyo kooxdii fallaagada hubaysneyd ee uu horkacayay ayaa door weyn ka soo qaatay dagaaladii sokeeye ee  Ivory Coast sannadkii 2011.

Leave a Reply