Turkiga oo Sheegay in aanu Celin Qaxootiga Suuriyaan ah

0
353

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u beenisay eedeymo sheegaya in ay jebisay sharciga caalamiga ah ka dib markii ay qaxooti Suuriyaan ah ku celisay dalkooda.
Qaar ka mid ah qaxootigaasi ayaa BBC u sheegay in ciidammada Turkiga ay soo qabteen xilli ay u gudbi rabeen Giriiga, ka dibna lagu khasbay in ay saxiixaan warqado sheegaya in ay si iskood ah dib ugu laabanayaan Suuriya.
Dadkaasi ayaa inta gawaadhi lagu qaaday la geeyay gudaha dalkooda.
Hay’adda xuquuqul insaanka u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in dadkaasi ay tiradooda gaadhi karto ilaa boqolaal qof.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in dhamaan dadka la celiyay ay iskood u laabteen ka dib markii la weydiiyay waxa ay rabaan.
Sharciga caalamiga ah ayaa dalalka ka mamnuucaya in ay dad ku celiyaan goob uu dagaal ka socdo.
 

Leave a Reply