Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Qabatay Kun Iyo Shan Boqol Oo Kiish Oo Daqiiq Dhacday Ah

0
348

Hargeysa (Dawan)- Guddida arrimaha bulshada ee dawlada hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay Kun Iyo Shan Boqol oo kiish oo ah daqiiq wakhtigeedu dhacay taas oo laga soo qabtay bakhaar ku yaala xaafadda Sheekh Madar, goor habeenimo ah. 
Xildhiaab Xasan Shahar oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee dawlada hoose ee caasimada Hargeysa, kana mid ah guddida arrimaha bulshada oo warbaahinta kula hadlay goobtii ay ku soo bandhigeen daqiiqda wakhtigeedu dhamaaday ee ay soo qabteen ayaa waxa uu yidhi “in cuntadii dadku isticmaalayay xageeda nalaga maro oo maanta ummadii wax khatar ku ah aynu indhaheena ku aragno, mid shiciba iyo mid masuula, waa xil ina wada saaran wixii dhibaato iyo khatar inagu keenaya inaynu meel uga soo wada jeesanno, maalin walba qof baa dhintay ayaad maqashaan ama xanuuno aan hore u jiri jirin waxaas-na waxaa u sababa waxyaabahan inta ay dhacaan hadana dib loo cusboonaysiiyo, hore waanu u qabanay alaabo dhacday oo noocan oo kale ah oo aan la daadin maxakamad baanunu ku geynay”
Xildhibaan Xasan Shahar waxaa uu sidoo kale sheegay tirada dadka ay raashinkan dhacay ay  ku soo qabteen waxaanu yidhi isaga oo arrintaas ka hadlaya “dadkan aanu ku soo qabanay daqiiqdan waa 4 qof maxakamad baananuna la tiigsanaynaa oo ciqaabteeda ayaanu marin doona, cid wax ku saamixii doontaana ma jirto, dadkan aanu ku soo qabanay raashinkan daqiiqda ah ee dhacayna waa dad ganacsato waa weyna waanay xidhan yihiin oo baadhitaan ayaa ku socda dhawaana markaa howshoodu dhamaato bulshada ayaanu horkeeni doona dadkaa lagu soo qabtay raashinkan dhacay”
Yuusuf Cabdiraxmaan Jaamac oo xubin ka ah guddida arrimaha bulshada ee dawladda hoose, kana mid ahaa dadkii gacanta ku soo dhigay raashinkan dhacay ayaa faahfaahin ka bixiyay sidii ay ku soo qabteen waxaanu yidhi “Raashinkan waxaanu soo qabanay goor habeenimo ah, waxananu soo ogaanay in meel ka mida xaafada Sheekh Madar, in lagu kala badalayo daqiiqaha mushiinkiibaa yaalay, dabadeetana ciidan baanu kaxaysanay, markaanu bakhaarka galayna 11-kii habeenimo ayay aheyd, waxaananu ugu tagnay niman ka dhex shaqaynaya bakhaarka gudihiisa oo jawaanada aad arkeysaan ee wakhtigoodu cusub yahay lagu kala badalayo oo laga badalayo kuwii ay ku jireen ee wakhtigoodu dhamaaday”
Yuusuf Cabdiraxmaan Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay raashinkan ay soo qabteen inta tan ee uu dhan yahay waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya “Imika markaa bakhaarkan aanu ka soo rarnay raashinkan daqiiqda ah ee wakhtigiisu dhamaaday waxaa laga raray saddex tan oo noocana oo wakhtigiisu dhamaaday oo aad halkan ku aragtaan waxaanu dhan yahay kun iyo shan iyo konton kiish oo daqiiqa, waana goob kaliya, daqiiqdana inay dhacday waxaa cadynaya ee marag madoonka ahi waa shaanbadan foojariga ah ee aan aheyn shaanbadii ay uu raashinkani ku soo dagay, cidii ka danbeysayna gacanta ayaanu ku heynaa markaa CIDI-da ayaa gacanta ku heysa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply