Komishanka Oo Sharaxay Farqiga u Dhaxeeya Diwaan-gelinta Madaniga ah Iyo Kaadhka Codbixiyeyaasha

0
301

Hargeysa (Dawan)- Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah xubnaha komishanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna madaxa wacyigelinta guddidaasi ayaa sharaxaad ka bixisay kala duwanaanshaha kaadhka muwaadinka ee jinjiyada, iyo kaadhka codbixinta doorashooyinka ee diiwaan-gelintiisu  ka socoto gobolka Togdheer.
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo shalay warbaahinta qaranka la hadashay ayaa sheegtay in loo baahan yahay in ay ummadu fahanto kala duwanaanshaha labadan kaadh,waxaanay carrabka ku dhufatay in doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada ee soo socda aanu codayn doonin qofka aan qaadan kaadhka diwaan-gelinta codbixiyayaasha.
“Waxaa muhiim ah in ay bulshadu fahanto qaabka diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, inta badan waxaa dadka iskaga khaldan kaadhka diwaan-gelinta codbixiyayaasha iyo kaadhka madaniga ah ee muwaadinka oo caddaynaya in uu qofku yahay muwaadin reer Somaliland ah, kaadhka codbixiyayaashuna waa kaadhka codbixinta doorashooyinka,”ayay tidhi Kaltuun Sh. Xasan, waxaanay intaas ku dartay  “Diwaan-gelinta kaadhka madaniga ah ee muwaadinka waxaa masuul ka ah wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, haddii aanu qofku sidan kaadhka muwaadinka qofkaa looma diidayo in uu is diwaan geliyo, si uu u qaato kaadhka codbixinta, waxaa goobta ku sugan wakiil ka socda wasaaradda arrimaha gudaha, oo caddayn doona in uu qofku yahay muwaadin Somaliland u dhashay, haddii qofku sito kaadhka codbixinta maalinta doorashada waxaa u suurto-gelaysa in uu codkiisa dhiibto, laakiin haddii aad la timaado kaadhka muwaadinka suurto-gal maaha in maalintaas doorashada uu coddeeyo, markaa bulshadu waa in ay ogaadaan faa’iidada ay leedahay qaadashada kaadhka codbixinta.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply