Haweeneyda loo Doortay Madaxweynaha Taywan

0
419

Taywan ayaa markii ugu horreysay haweeney waxaa loo doortay madaxweyne.
Tsai Ing-wen oo 59 jir ah ayaa waxa ay katirsan tahay xisbiga gobonima doonka ah ee DPP.
Xisbiga haya talada dalkaasi Taiwan ee Kuomintang oo taageera xidhiidh dhow oo Taywan la yeelato Shiinaha ayaa qirtay in doorashada looga adkaaday.
Tsai Ing-wen ayaa noqonaysa haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dhulka looga hadla luuqadda Shiinaha, waxaana la filayaa in ay jeediso khudbadeeda guusha.
Guusha haweeneydan ayaa ka dhigan isku dhac dhex mara Taywan iyo Shiinaha.
Shiinaha ayaa Taywan u arka gobol ka mid ah balse fallaagoobay.
Doorashadani ayaa ku soo beegmaysa bilo uun kaddib markii uu kulan taariikhi ah dhex maray hoggaamiyeyaasha Taywan iyo Shiinaha.
Xukumadda Beijing ayaa si dhow ula socotay doorashadaasi si ay u qiyaasto rabitaanka shacabka Taiwan.
 

Leave a Reply