Maxaabiis lays Dhaafsaday

0
504

Iran ayaa sii daysay 5 qof oo Iran-Maraykan ah.  Shanta  qof waxaa ku jira Jason Rezaian, weriyihii xidhnaa ee Wargeyska Washington Post uga soo warramayay Iran.
Maraykanka ayaa iyaguna sii daayay 7 qof oo Iran u dhashay oo Maraykanku ay u xidheen jabinta cunaqateynta saaran Iran.
Xoghayaha Arr. dibedda Maraykanka iyo saraakiil Maraykan ah ayaa ku sugan magaalada Vienna, halkaasi oo la filayo in lagu dhawaaqo dhaqangelinta heshiiska taariikhiga ah ee Iran la gashay quwadaha waaweyn.
Heshiiska ayaa ku baaqaya in Iran ay joojiso barnaamijkeeda hubka Nuclear-ka, iyadoo taa baddalkeeda helaysa in laga qaado cunaqateynta saaran.
Xeer-ilaaliyaha magaalada Tehran Cabbaas Jacfari, ayaa sheegay in siideyntan 4 qof ee Iran-Maraykanka ah ay qeyb ka tahay amar ka soo baxay golaha sare ee amniga qaranka Iran.
Jason Rezaian, oo madax ka ahaa xafiiska Wargeyska Washington Post ee Tehran ayaa ah Irani haysta dhalashada Iran iyo Maraykanka, wuxuna xidhnaa in kabadan 500 oo maalmood, iyadoo maxkamad albaabadu u xidhan yihiin ay sheegtay inay ku heshay inuu basaas ahaa.
 

Leave a Reply