Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhisme Casri Ah Oo Loo Dhisayo Taliska Guud Ee Ciidamadda Booliska

0
423

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay dhagax dhigay xarun cusub oo loogu tallo galay in ay noqoto taliska guud ee ciidamadda booliska Somaliland, taasi oo laga hirgelinayo magaaladda Hargaysa.Dhismahan   waxa   gacan weyn ka geysatay Dawladda Ingiriiska oo iyagu horena u dhisay dhismaha qadiimiga ah ee taliska ciidanka Booliska oo ay bineeyeen   1936-kii iyo qeybta danbe oo ay dhiseen 1942-kii.
Ka hor  dhagax dhiga, madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud ee ciidamadda booliska  cutub ka tirsan ciidanka booliska, oo ay hor kacayeen ciidamadda Baanbooyda. Madaxweyne Axmed  Siilaanyo oo munaasibadaasi dhagax dhiga hadal kooban ka jeediyay  ayaa dhisamahaasi ku tilmaamay mid  muhiimad weyn u leh qaranka Somaliland, isagoo mahad naq u jeediyay dawladda Ingiriiska oo  ka taageertay dhismahani.
“Aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay in aan dhagax dhigo  mashruucan oo ah mid aad u mihiim ah. Waxaanan u mahad celinayaa dawladda Ingiriiska  oo dhismahan  naga caawisay iyo cid kasta oo  nagala qayb gashay hawshaasi dhismaheedda. Muhiimad weyn ayay u leedahay qaranka Somaliland ILLAAHAY-na waxaan ka baryayaa in uu inagu guuleeyo” ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Taliyaha ciidamadda booliska sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan,  oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa madxweynaha waxa uu xog-waran ka siiyay  dhismahaasi iyo cidda maalgelinaysa iyo sidoo kale cida dhisaysaba. Waxaanu yidhi “Mudane, madaxweyne  waxaa  farxad iyo sharaf aad u weyn noo ah  in aad maanta (shalay0 noo dhagax dhigto  dhismaha taliska guud ee ciidanka jamhuuriyadda Somaliland . iyadoo dhismaha uu hadda ku shaqeeyo taliska ciidanka boolisku la dhisay sanadkii 1936-kii, iyadoo kuwa kalena la dhisay  1942-ki, ilaa wakhtigaasi ayuu jiray.” Dhismahani waxaa dhisaysa dawladda Ingiriiska oo markii horeba dhistay, waxaana maalgelisay hay’adda UK ee DFID,  waxaana fulinaysa  UNOPS,  shirkad   magaceedda la yidhaahdo Tayasiir oo Somaliland ah ayana  dhisaysa.”
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed waaran Cade, ayaa isna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu  yidhi  “Halkani, waa halkii ciidanka booliska Somaliland lagu aasaasay,    dawladda Ingiriiska ayaana inoo dhistay 1936-kii,  maanta oo aynu joogno  sanadka 2016-kana iyaga (Ingiriiska), ayaa inooga dhisaya  guri casri ah oo noqonaya taliska guud ee booliska Somaliland. Sideetan sanno kadib ayaa Ingiriisku inagu soo noqday oo aynu dib saaxiib u noqonay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply