Badhasaabka Daad-madheedh Oo Kormeeray Goobaha Ay Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaashu Ka Socoto

0
381

Oodweyne (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka  Daad-madheedh  Axmed Maxamed Xaashi, ayaa  maalmihii u dambeeyay waxa uu kormeer ku soo maray  goobaha  ay diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu  ka socoto ee  ku yaala xadka  gobolkaasi.
Waxaanu badhasaabku sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si fiican uga socotay dhammaanba  meelihii uu soo maray, marka laga reebo goobaha ku yaala meelaha xadka ku teedsan oo uu sheegay in culsay badani uu ka haystay hawl-wadeenadda dad badan oo xagga Itoobiya laga soo daabulay awgeed.
Badhasaabka Daad-madheedhku waxa uu ku tilmaamay kormeerkaasi in uu ahaa mid uu ugu kuurgelayy sida ay socoto hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu.
 
isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa naga  soo gabagabeeyay  socdaalkii aanu ku soo marnay tuulooyinka  iyo degmooyinka hoos yimaadda gobolka Daad-madheedh. ujeedadda socdaalkaasina waxa uu ahaa in aanu soo kormeerno  sida ay u socoto diiwaangelinta codbixiyeyaashu iyo si aanu u eegno, una hubino sida ay hawsha shaqadu u socoto.”
Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si fiican u socotay dhamaanba goobihii uu soo maray. “Hawshu si fiican  ayay u socotay dhamaanba goobihii aanu soo marnay, shaqaaluhuna si fiican ayay u shaqaynayeen, inkasta oo goobaha shishe ee xadka  dad badan oo xagga Itoobiya lagaga soo guray oo uu culays badani haystay, hadana  shaqaaluhu dedaal badan  ayay  muujinayeen” ayuu yidhi Axmed Maxamed Xaashi.
Dhinaca kale, badhasaabku waxa uu fariin u diray dadka aan weli is-diiwaan gelin oo uu ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta. Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) oo ay ku eg tahay todobadii cisho ee hore, waxaan  fariin u diri lahaa dadka aanay u suurto gelin in ay is-diiwaangeliyaan, in ay kooxda wacyigelinta ah ee wareegaya  oo kolba magaallo tegaya iska diiwaangeliyaan,  si aanay fursadaasi u seegin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply