Cuntada Subixdii Goor Hore La Cunaa Waxay Maskaxda Ku Keentaa Hoos U Dhac Caafimaad

0
488

Khubarro dhanka caafimaadka ah oo muddooyinkii ugu dambeeyey waday daraasado la xidiidha sida ay quraacda subixii xili hore la cunaa samaynta ugu yeelato jidhka ayaa soo saaray natiijo hor dhac ah ,taas oo ay ku sheegeeen in ay cuntadaasi quraacda ahi keento samayn ay ku keento maskaxda marka subaxda hore la cuno.
Khubaradan caafimaad oo ka socotay wadanka Japan ayaa sheegay in subaxdii ay lagama maarman u tahay quraacdu jidhka,iyaga oo intaasi ku daray inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya quraacdaasi ama cuntadaasi iyo dadka uu faaligu ku dhaco,iyaga oo u sababeeyey saamayn ay cuntadaasi ku yeelato maskaxda .
Waxaanay culimadani sheegeen in ay quraacdaasi samayn kale ku yeeshaan xididada dhiiga ,kuwaas oo ah kuwa uu ka dhasho faaliga dadka ku dhacaa,waxaanay intaasi ku dareen in uu dhiigu xidhmo ,kadibna uu sababo xanuunkaasi faaliya,sidoo kalena uu dhaawac ku keento maskaxda,madaama oo qaybo dhiigaasi kamid ahi maskaxda gaadhi lahaa.
Intii ay daraasadani socotay waxa lagu sameeyey tijaabo dad aad u tiro badan oo gaadhaaya tiro ahaan ilaa 82772,kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumarba,waxaanay da’ahaan u dhexeeyeen 45 sanno jir ilaa 74 sanno jir,kuwaas oo gebi ahaanba ahaa kuwo caafimaad ahaan hagaagsanaa.
Daraasadan oo socotay muddo dheer ayaa intii lagu guddo jiray,waxa xanuunka faaligu ku dhacay dadkii ka qayb qaadanaayey tijaabada qaar badan oo kamid ah,kuwaas oo gaadhaayey tiro ahaan 3772 oo qof,kuwaas oo intooda badan markii dib loo baadhay la ogaaday in ay sabab u ahayd quraacda oo ay subaxdii xili hore cuni jireen.
Baadhitaankaasi ka dib ayay soo jeediyeen khubarada dhakhaatiirta ah ee daraasadan waday in loo baahan yahay in dadku ay quraacda cunaan xiliyada cadiga ah ee u dhaxaysa 7-da ilaa 8-da subaxnimo xiligaas oo ay sheegeen in dhiigu jidhka wada gaadho,kadibna dego.

Leave a Reply