Guddoomiye Cirro Oo Socdaal Ku maraya Degmooyinka Tog-dheer Maalintii Shanaad

0
466

Togdheer (Dawan):-Weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay sida oo kalena ku wehelinaayeen guddoomiye xigeenka 1-aad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo mas’uuliyiin kale oo maalmahii ugu dambeeyey socdaalo ku marayey deegaanada ay diiwaan-gelintu ka socoto ee ka tirsan gobalka Togdheer, ayaa si ballaadhan looggu soo dhaweeyey guud ahaan deegaanada ku teedsan Bari, Hawd iyo weliba jiida deegaanada gobalka Daadmadheedh ee galbeedka ee gobalkaasi Togdheer.
Weftigan oo u jeedkiisu ahaa sidii dadka ku dhaqan deegaanadaas looggu wacyi-gelinta lahaa diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha sida oo kalena daarnaa xog-oggaal u noqoshada xaaladda guud iyo midda nololeed ee deegaannadaas, ayaa waxa soo dhaweyntooda ka qeyb-qaatay mas’uuliyiinta degmooyinka iyo tuullooyinka deegaanaddaasi, madax-dhaqameed, wax-garad, haween, dhallinyaro iyo taageerayaal aad u tira badan oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Weftiga Guddoomiye C/raxmaan Cirro waxay soo mareen oo mid walba lagu soo dhaweeyay  magaalooyinka Inna Af-madoobe, Qoryaale, War-cimraan, Dan-dan, Shansha’ Cadde, Taalla-Buur, Balii-Dhiig iyo Dhaqoshay, iyada oo dhammaantoodba ay dadka deegaanaddaasi ku qaabileen  niyad sami. Intaas ka dib, waxa weftiga  guddoomiyaha xisbiga WADDANI  uu uga sii gudbay deegaanada Hawd-ka iyo Galbeed ee ay iyagana diiwaan-gelintu ka socoto oo ay ka mid ahaayeen Riyo-Xidho, Duruqsi, Gorayo-xun-sare, Xaaji Saalax, Laan-mullaaxo, Raydab-Khaatumo, Gudubi, Daba-goryaale, Xayndaalle, Cabdi-dheere, Hara-shiikh iyo Xaaxi, waxaana weftigu uu deegaanaddaas kala kulmay soo dhaweyn aad u ballaahan, iyaga oo ku qaabilay lulidda caleemo qoyan, sida oo kalena ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinayaan sida ay uga go’an tahay taageerada hiil iyo hooda leh ee ay la garab taagan yihiin xisbiga WADDANI.
Guddoomiye Cirro  ayaa si weyn ugu mahad-celiyey dadweynaha ku dhaqan deegaanaddaasi, waxaana uu sheegay uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta ballaadhan ee ay u sameeyeen, isaga oo carabka ku dhuftay in deegaanadani ay yihiin kuwii laf dhabarta u ahaa xisbiga WADDANI loona baahan yahay siddii ay si laxaadle iskugu diiwaan-gelin lahaayeen si ay hormuud uga noqdaan isbedelka dhabta ah ee la doonayo in dalka laga sameeyo. “Waxa farxad noo ah in si aada aad noogu soo dhaweysaan deegaanadan hawd-ka iyo weliba galbeedka Togdheer, deegaanadani waa kuwii aanu ku xisaabtamaynay cod ahaan, iyo weliba taageero ahaan, waxa  kale oo aan idiin sheegayaa in deegaamadani ay yihiin kuwii aan yaraan tayaddii ku soo barbaarnay, macalin ayaan ka soo ahaa qaarkood, kuwo kalena aabahay ayaaba ka shaqeyn jiray, waxa aan idiin ku nimi uun in aanu idinku dhiiri-gelinno siddii aad u qaadan lahaydeen kaadhka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo lama huraan u ah guusheenna, waxa aan mar kale idin ku boorinayaa in aydaan hal cod innaga khasaarin oo aad dhammaantiinba is diiwaan-gelisaan.”.Ayuu Cabdiraxmaan Cirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply