Meydadka Tahriibayaal laga Helay Giriiga

0
377

Saraakiisha badda ee dalka Giriiga, ayaa sheegay inay heleen meydadka 15 qof, oo laba doon oo kala duwan ay kula degtay jasiiradaha dalkaas, xilli qul-qulka muhaajiriinta ee Yurub weli uu socdo.
Waxaa hadda socda baadhitaanno lagu baadi goobayo dad kale oo la la’ yahay.
Ilaalada xeebaha Giriiga waxa ay sheegeen in 41 qof ay soo gaadheen xeebaha kadib markii ay doon kula degtay meel u dhow xeebta jasiiradda yar ee Farmakonissi ee dhacda bariga badda Aegean-ka. Waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydadka toddobada qof.
Dhacdo taas ka duwanna, 26 qof ayaa ka bad baaday doon ku degtay xeebta jasiiradda Kalolimnos, hase yeeshee waxaa sidoo kale halkaas laga helay meydadka sideed qof.
Ururka socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegay horraantii tododbaadkan in qiyaastii 31,244 qof oo muhaajiriin ah ay yimaadeen badaha Giriiga, tan iyo billowgii sanadkan 2016.

Leave a Reply