Senegaal oo soo Saartay Qaab ka Hortaga Argagixisada

0
383

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Senegal , Abdoulaye Daouda Diallo, waxaa uu soo saaray tallaabooyin ay dowladdu ku dhaqaaqayso si looga hortago weerarrada argagixiso ee caasimadda Dakar.
Isagoo ka hadlayay baarlamaanka dalkiisa, Mr Diallo waxaa uu sheegay in ciidammo hubaysan oo la dhigayo dibadda hotel-ada waaweyn, hoteelada yaryarna ay boliis tegi doonaan si ay u hubiyaan waxyaabaha ay nabadgelyada ugu tala galeen.
Wasiirku waxaa kaloo uu sheegay inuu waraaqo u kala diray dhammaan milkiileyaasha hotelada isagoo uga digaya inay dib u xoojiyaan ammaankooda haddii kale albaabada loo laabi doono.
Wasiirku waxaa uu baarlamaanka u tegay si uu uga jawaabo su’aalo ay weydiinayeen mudanayaasha oo ka walaacsanaa weerarradii dhowaan lagu qaaday caasimadaha dalalka Mali iyo Burkina Faso.
Dhinaca kale, Dowladda Senegal waxay ku adkaysanaysaa inaysan muwaadiniinteeda u gacan gelin doonin waddan dibadda ah. Waa jawaabtii ugu horreysay ee rasmi ah ee ay ka bixiso amar caalami ah oo lagu soo xirayo Papa Massata Diack, oo ah wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee xidhiidhka caalamiga ah ee ciyaaraha fudud IAAF, lamine Diack.
Mr Diack waxaa laga doonayaa waddanka Faransiiska si su’aalo loo weydiiyo kaddib markii ay soo baxday warbixin hay’adda caalamka u qaabilsan kahortagga walxaha awoodda ciyaartoyda kordhiya, taas oo ku xidhiidhisay eedo khiyaamo lacageed. Aabbihiis, Lamine, waxaa lagu xidhay dalka Faransiiska dacwad ayaana lagu soo oogay bishii November.
Ra’iisal wasaaraha Senegal, Mohammed Dionne, waxaa uu sheegay inuusan garanayn dowlad wax isku falaysa oo muwaadiniinteeda dal kale u gacan gelisay.

Leave a Reply