Sidee Ayaad Dhibka Dadka Uga Badbaadi Kartaa?

0
510

Imaam Axmad ibnu Xambal ayaa waydiiyay Xaatim Al’asam, sidee dhibka dadka looga bad’baadi karaa? !..Xaatimna waxa uu kamid ahaa dadka xikmada iyo caqliga lagu tiriyo, waxaana uu yidhi:,
“ Maalkaaga wax ka sii, maalkoodana Faraha uga qaad!.. way ku dhibayaan adiguna marna ha dhibin!..
waxay kaaga baahdaan u qabo, iyagna marna haku dhibin waxaad u baahan tahay in ay kuu qabtaa!..
Imaamkii ayaa ku yidhi Xaatimow arintaas way adag tahay!..Xaatim waxa uu yidhi arinkaasi wanaagsan ayaad ku dhibka dadka kaga badbaadaysaa!
Sheekhii yaxya binu mucaad wuxuu yidhi: “ insaanku waa maskiin sida uu fakhriga uga baqayo hadduu uga baqi lahaa naarta wuu badbaadi lahaa, sida uu hodantinimada  u jecel yahayna hadduu u jeclaan lahaa jannada wuu gaardhi lahaa.
Habeen kasta Allah (sw) waxa uu u soo degaa samaa’u duniyaa wuxuuna yidhaa: “ yaa wax i waydiisanaya oo aan siiya ?
Yaa dambi dhaaf  raba oo aan u dembi dhaafaa. Markaa waa in qofku ka faa’iidaysto saacadaha qiimaha badana ee Allah (sw) bixiyay. (Al-Adkaar)

Leave a Reply