Suuqyada Yurub iyo Aasiya oo Sare u Kacay

0
394

Suuqyada saamiyada ee Asiya iyo Yurub, ayaa sare u kacay Jimcihii ayaga oo raacaya suuqyada Mareykanka, kadib maalmo hoos u dhac ah.
Suuqa Tokyo ee Nikkei ayaa hogaaminayey sare u kacan, isaga oo kusoo xidhmay sare u kac 6% ah. Suuqa Hong Kong ayaa ku darsaday ugu yaraan sare u kac saddex boqolkiiba ah, halka suuqa Seoul uu kusoo xidhay maalintiisii 2%.
Suuqyada Sydney, Taipei, Singapore iyo Manila ayaa sidoo kale dhibco badan helay.
Ganacsiyadii ugu horeeyey ee Yurub, ayaa suuq London waxa uu helay 1.6 boqolkiiba ah, halka Frankfurt iyo Paris ay ku dareen 2%.
Sare u kaca ayaa yimid kadib markii madaxa Bankiga Dhexe ee Yurub, Mario Draghi, uu khamiistii sare u qaaday rajada ah in lacag badan oo lagu xoojinayo dhaqaalaha uu bankiga ku dhowaaqo kadib kulanka dhacaya bisha March.
Maalgashadayaasha ayaa waxaa sidoo kale dhiiri geliyey kadib markii qiimaha saliidda uu xoogaa sare u kacay khamiistii.

Leave a Reply