Talefoonka Oo Jeebka La Gashado Oo Laga Digay ,Waa Maxay Sababtu?

0
426

Daraasad dhowan laga soo saaray wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in taleefanka gacanta ,gaar ahaana nooca loo yaqaano Smart Phone ka oo jeebka la gashadaa in ay keento dhibaato caafimaad oo qofka sita samayn xun ku yeelata.
Khubarada daraasadan samaysay ayaa warbixintooda ku daray in qofkaasi ay ku keento dhaawac dhinaca maskaxda ah iyo sidoo kale dhaawac jidhka kale ah ,taas oo ay keento ama sababto gariirka uu sameeyo taleefankaasi.
Dr Davis oo ahaa kormeeraha kooda daraasada samayanaysay ayaa sheegay in raga oo jeebka ku riga taleefankaasi iyo dumarka oo iyaguna meelo lamid ah ku ridaa ay keento dhibaato gaadhsiisan in qofkaasi ma dhalays noqdo,iyada oo uu ka laynaayo dhamaan ugxanta ,sidoo kale uu sababi karo xanuunka kansarka oo raga kaga dhaca macdanta,halka uu dumarkana u gudbo laabta.
Daraasadan ayaa natiijadeeda lagu qoray websiteka British Moved Mirror oo ka faalooda arrimaha caafimaadka,kaas oo uu kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa aad ugu adkaysay isticmaaleyaasha taleefanka inay iska ilaaliyaan dhibaatada taleefanka.
Dr Deborah oo iyaduna kamid ahayd dhakhaatiirta waday daraasadan ayaa cadaysay in gariirka taleefanku bedelaan habka unugyada jidhka ee dadka,taas oo khal khal ku abuurta dadka,gaar ahaan DNA-da  oo ay wax weyn ka bedesho,waxaanay kula talisay in aanay jeebadaha ku ridin .
 
 
 

Leave a Reply