Tunisiya oo Bandow lagu soo Rogay

0
417

Dalka Tunisiya waxaa lagaga dhawaaqay xukun bandow ah oo waqtiga habeenimada dalka oo dhan laga dhaqan gelinayo kaddib afar maalmood oo ay magaalooyiinka dalkaas ka dhacayeen muddaharaadyo ku saabsan shaqa la’aanta.
Muddaharaadyadu waxay isu-beddeleen qarbudaad, , bililiqo, iyo dagaallo ka dhacay deegaanno badan.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Tunisiya waxay sheegtay in dadka muddaharaadaya ay halis geliyeen nabadgelyada qaranka.
Ra’iisal Wasaare, Xabiib Cesid waxaa uu soo gaabinayaa booqasho uu Yurub ku marayay si uu xaaladda wax uga qabto.
Shaqa la’aanta dalkaasi ka jirta ayaa sii xumaatay tan iyo markii kacaanku uu dalka ka dhacay shan sano kahor, markaas oo xukunka laga tuuray madaxweynihii Zine al-Abidine ben Ali.
 

Leave a Reply