WEEDHA WARGEYSKA Wali Boogtii Lama Sarin!

0
402

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa   21-kii Bishan January 2015-ka qalinka ku duugtay siyaasad qaran oo ay  qiime ugu yeelayso lacagta shilinka Somaliland isla markaana ay  ku doonayso inay ku suuliso sicir bararka  dalkani kaliga ku yahay ee aafeeyay bulshadda dabaqadaheeda qaadaa ma dhergaha ah.
Go’aankan oo uu soo ikhtiraacay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah dhaqaale yahan, aqoon dheer u leh xasilinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista nolosha bulshadda, ayaa Guddi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland madax u yahay u saaray dhawaan inay ka soo tallo-bixiyaan dariiqa dawladdu u mari karto inay ku noolayso lacagta dalka iyo wax ka qabashadda sicir bararka.
Tallaabadan  ayaa dadweynaha Somaliland u riyaaqeen, waxaanay dareemeen in dawladoodu ay tahay mid xushmaynaysa, kana duulaysa dareenka  shacbigii gacantooda ku soo cugtay. Guddidaasi waxay  soo jeediyeen tallo bixin sagaal  qoddob  ah oo intooda badani la xidhiidheen sidii dib loogu noolayn lahaa lacagta dalka, awood siinta baanka dhexe ee dawladda iyo sidii hoos loogu dhigi lahaa sarifka doolarka oo dhaqaalihii dalka ka dhigay (Dolarized Econamy).
Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii uu ka darsay dullucda tallo-bixintii guddida, waxa uu khamiistii toddobaadkii hore iskugu yeedhay Golaha Xukuumadda oo iskugu jiray Wasiirrada, Agaasimeyaasha guud,Maareeyeyaasha Hay’adaha dawliga ah iyo Taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida. Waxaanu amar buuxa ku siiyay inay quweeyaan lacagta dalka, isagoo faray masuuliyiinta dawladda iyo saraakiisheeduba  hormuud u noqdaan bulshadda si loo aamino lacagta dalka  oo ay mushaharooyinkooda ku qaataan shilinka Somaliland.
Dhawaaqan iyo Qorshahan cusubi waxa uu markiiba baraq jabiyay  ganacsatada sarifka jaan-goyn jiray, waxaanu  sarifka doolar-ku suuqyadda Somaliland ka  ka gaadhay heerkii ugu hooseeyay, waxaana halka doolar lagu kala iibsanayay (6000 SL Sh).
Waxa kale oo dhacday in meheradaha laga dukaansado ee magaalooyinka dalka gaar ahaan caasimaddu  ay bilaabeen dhaqan  ugub ah oo ah inay dadka wax ka iibsanaya ay qiimaha badeecadaha ugu sheegaan shilinka Somaliland. qoysaska ku tiirsan mushaharooyinka dawladda sida shaqaalaha iyo ciidammadda ayuu dhawaaqii dawladdu naruuro geliyay, dabaqadaha hoose ee bulshadda ayaa iyaguna go’aankani yididiilo geliyay.waxase walaac ka muujiyay qoysaska ku tiirsan lacagta adag ee eheladoodu dibada uga soo diraan oo ku dooday in lacagtii doolarka ahayd ee ay noloshooda ku maareyn jireen la qiimo tiray, iyadoo aanay jirin isbedal ku yimid maceeshadii daruuriga ahayd oo ay ahayd inay mar la jabto doolar-ka dhulka galay.
Tallaabooyinkan xukuumaddu ay qaaday waa qaar dawladnimada iyo dadweynahaba maslaxadiisu ku jirto, hase yeeshee waxa dhiman oo la tabayaa in xukuumaddu ay ficil u rogto go’aankeedii sidii loo dhaqan geliyay oo ay samayso dabo-gal ay ku qiimaynayso inay maceeshadii daruuriga ahayd la jabtay doolarka iyo in kale.
Tusaale ahaan shaygii suuqa Hargeysa ka joogay 50 Kun oo shilinka Somaliland ah, oo saddex maalmood ka hor ku qiimaysnaa 7 Doolar, shalay waxa uu noqday 9 Dollar, taasina waxay noqotay mushkilad kale oo soo korodhay. Markaa waxa xukuumadda la gudboon oo hindisaheedan wax ku oolka ah hirgelinaya iyagoo ganacsatadda dhegaha adag amar buuxa ku siiya inay badeecadaha jabiyaan.
Waxa  hindisaha madaxweynaha lagaga jibo keeni karaa iyadoo waaxaha dawladda ee arrintani khusaysaa ay sameeyaan dabo-gal isla markaana haddii laga qarmi waayo ay badeecad kasta inta lagu iibinayo ay iyagu go’aayaan hoos u dhaca doolarka iyo qiimaha badeecaduhu u noqdaan qaar wada socda.
Ugu dambayn  waxa  lama huraan ah in gabi ahaanba la joojiyo xawaaladaha caadaystay inay lacagtii adkayd ee dalku u baahnaa ay dibadda kaga soo xawilaan iyadoo ah (mobile money),taasina waxay dab ku sii shiday kor u kaca qiimaha doolarka,waxaanay yaraysay lacagtii doolarka ahayd ee wadanka soo geli lahayd. Waxa kale oo daruuri ah in laga tashado sidii wax looga qaban lahaa adeegyadda ZAAD iyo E-DAHAB, oo ah mid saamayn taban ku leh sicir bararka dalka ka jira.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply