Xildhibaan Ganacsatadda Ku Canaantay Inaanay Cashuuraha Dawladda U Hagar Bixin

0
383

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Maxamed Jaamac  Cali, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay ganacsatada  shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Dahabshiil oo uu ku tilmaamay in ay ku shaqeeyaan ribo iyo dulsaar, isla markaana aanay bixin cashuurtii ku waajibtay.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali, oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, waxa uu sheegay in golaha wakiilada ay hore u ansixiyeen xeerkii baananka Islaamiga ah, waxaana uu tilmaamay in ribadu ay xaaraan tahay.
“Mar kasta oo qaran xeer samaysanayo, haddii la waafajinayo shareecada iyo haddii la waafajinayo xeerarka kale waxay u taalaa xeer dejinta iyaga ayaa sameeya, horena waxa aanu u samaynay xeerkii baananka Islaamiga ah, goluhu si wanaagsan ayuu uga dooday waanu ansixiyay, ribadu waa xaaraan habka ribadu ku timaadana waa la yaqaanaa habka aynu ku shaqaysanana waa la yaqaanaa, marka aynu doonayno in aynu samayno xeer ama aynu ka hadalno hadday tahay culimo iyo caamaba. Waxaa hadda qarsoon oo la qariyaa ganacsatada sida ribada ah ku shaqeeya oo ganacsi ka dhigtay, waxa jira xawaalado iyo telefoono iyo baanan lagu ganacsado oo sheerer lagu leeyahay oo boqolkiiba afartan lacago dulsaara lagu qaado waa shaqo ayaa la yidhaahdaa, haddii baankaasi loo ogolaado in uu xaaraan ku shaqaysto iyagu ribo ayay ka hadlayaane, baanankan hadda  shaqeeya ee lacagaha gurtaa, baan kaliya oo LC samaysan karaa ma jiro,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Jaamac.
Mudane Maxamed Jaamac waxa uu tilmaamay in aanay wax cashuur ahi ka soo gelin xukuumadda shirkadaha isgaadhsiinta, waxaana uu yidhi “Haddii ay shirkadaha Telefoonada tahay in taas oo milyan oo doolar ayaa laga helaa intaas oo akoon ayaa furan oo Zaad iyo E-dahab ku dhaca in taas oo qof ayaa furta kaadhadhka Telefoonada, waxa kale oo jira oo aan arkay oo la yaab leh boqolaal qof oo ajanabiya oo lacag ku shubanaya xawaaladaha, waxa cashuur ah oo dawlada ka soo gashaa ma jirto, mana aha cashuur bixiyaal.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu intaas  ku daray “Waxaan arkay Ina Shugri oo hadlaya oo lahaa lama bixin karo wixii yaraa ee dekadu kor dhisay iyo dakada waxba lagalama soo dagi karo, waa ninkii dawladda uga masuulka ahaa ganacsatada, isaga ayaa dhistay aqalo ay ku baxday toban Milyan oo dollar, boqol doolar-na ma bixiyo oo cashuur ah, bal akoonkiisa ha la soo eego iyo cashuuraha uu bixiyay, gurigaa tobanka milyana ee ay lahayd Inji ma ka bixiyay cashuurtii. bal eeg ninkii aan tobanka sanno aan laga hayn cashuur ayaa guri labo milyana dhisanaya, kuwa daaraha waawayn dhistay waa kuwa Telesom iyo Dahabshiil u shaqeeya. waxaana aan leeyahay waar dadka dhibka ha laga daayo. maalin maalimaha ka mida ayaa la is xisaabinayaa noqon mayso hebel ayaan la tartamayay, mana aha in boqolkiiba boqol in ay faa’iidaan, marka qofka ribadiisu badato dhulka ayuun baa la go’a.”
Xildhibaan Maxamed Jaamac waxa uu xukuumada u soo jeediyay in ay wax ka qabato sare u kaca ku yimi maceeshada “’Xukuumaddu awooda ayay saartay doolarka ee ay hoos ugu dhigtay waana in ay wax ka qabato maceeshada qaaliga ah oo ay wax ka qabato raga fadhi ku bararka ah xaq baanu u leeyahay qof kastaa in uu keeno raashin jaban iyo wax kasta in uu soo dejiyo oo jaban dadku gurmad ayuu u baahan yahay iyo in laga dulqaado dhibaatada haysata.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply