Faa,iidooyinka Kaadhka Dhalashadu U Leeyahay Muwaadiniinta

0
369

Tusmo
 
Hordhac. 2

  1. Kala saarid. 2
  2. Midayn. 5
  3. Lexejeclo iyo niyadsami 8
  4. Kantarool 10
  5. Ilaalinta nabadgelyada. 11
  6. Gooni isku taag cadaan ah. 11
  7. Xoojinta xidhiidhka deriska. 13
  8. Fududaynta aqoonsi caalami ah. 16
  9. Shaqo abuur 17
  10. Dhamaystirka qaranimada. 18

 
 

 

Hordhac

Buug yarahan kooban ee aynu ciwaanka uga dhignay “Faa’iidooyinka kaadhka dhalasha”, waa buug yare ka kooban toban qodob oo tafaasiil ka bixinaya waxtarka uu leeyahay kaadhka dhalashadu. Faa’iidooyinkaasna waxa kamida: in uu kala saaro muwaadiniinta iyo ajaanibka, inuu mideeyo muwaadiniinta, in uu abuuro lexejeclo gudeed iyo niyadsami dibadeed, inuu abuuro kantarool joogto ah, inuu saamayn balaadhan ku yeesho ilaalinta nabadgelyada, inuu muujiyo gooni iskutaag cadaan ah oo muuqda, inuu sii adkeeyo jaarnimada iyo xidhiidhada wadamada deriskeena, inuuba yahay fududeeyaha aqoonsi caalamiya, inuu shaqooyin farabadan abuuro iyo inuuba yahay dhamaystirkii qaranimadeena. Ujeedada qoraalkani wax kale ma aha ee kaliya waa in la fahmo  lana ogaado, ka qaran ahaan qiimaha kaadhkani inoogu fadhiyo.

 
 
 

1.   Kala saarid

Kaadhkani wuxuu  hagidoonaa, cadayndoonaa, qeexidoonaa, kala saari doonaa cida muwaadin ah iyo cida aan ahayn; wuxuuna ka dhabayn doonaa riyadii ictiraaf raadinta qarankeena, wuxuuna ka jawaabi doonaa su’aashii muwaadinka ee ahayd goormuu wadankani yeelandoonaa dal ku gal dunida oo dhami inoo aqoonsantahay? Goormuu muwaadinku helidoonaa xuquuqdiisii dhalasho ee 25ka sano ka maqnayd?.
 
Xuquuqdani maaha mid qof ka maqan, mid qoys ka maqan, iyo mid qabiil ka maqantoona, ee waa mid qaran ka maqan. Iyadoo ay taasi jirto, xuquuqdani waa mid aynu kala sinaandoono bulsho waynta caalamka oo dhan ku nool. In badan baynu aqoonsi raadinayaynay, laakiin intii hore oo dhan milil guudkii baynu dhayaynay, laakiin maanta dawladan talada haysaa waxay abaartay halkii ay sartu ka qudhunsanayd, aqoonsiga dibada laga raadin jirayna, ciriqiisu guduhuu yaalay, siyaasadeenii arimaha gudaha iyo tii dibaduba haday si fiican isula jaanqaadi karaan. laakiin indhaheenu hoostaba may eegi jirin ee waxaynu ahayn dad cirka loo calaamadiyay.
 
 
Sikastaba ha-ahaatee, dawladan madaxwayne siilaanyo bilawgii sanadkan 2014ka waxay si rasmiya daboolka uga qaaday in ay muwaadiniintu u diyaar garoobaan qaadashada kaadhka dhalashada ee lagu kala saarayo qofka wadanka u dhashay iyo ka aan u dhalan.  Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa, “talo iskuma kaa sheegto”, waayo wax hadaad raadinayso, dee wixii aad raadinaysay ku odhan maayo I hoo waykane, laakiin waxay u baahantahay inaad maskaxda rogrogto oo aad hesho ciriqii iyo wadadii yoolkaaga ku gaadhsiin lahayd, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “sidaad doonayso hadaad gaadhiwaydo, sidaad ka badinwaydo ayaa la yeelaa”, oo haduu yoolkaagu ahaa inaad hesho aqoonsi caalamiya, oo aad gaadhi kari waydo, waxa ka horaysa inaad ku dadaasho helida aqoonsi maxaliya, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “Oodo dhacameed siday u kala sareeyaanbaa, loo kala guraa”.
Lasoco….
By: Garyaqaan Mohamed Abdikareem

Leave a Reply