Sarkaal Afgaani ah oo Dilay 10 Sarkaal oo Kale

0
408

Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in nin booliis ah oo la tuhunsan yahay inuu xidhiidh la leeyahay Taalibaan uu 10 sarkaal oo booliis ah salaasadii  ku dilay gobolka Uruzgan.
Rabshaddan ayaa aroortii hore ka dhacday bar booliiska ay ku leeyihiin degmada Chinarto.
Afhayeen u hadlay guddoomiyaha gobolka Uruzgan ayaa sheegay in sarkaalka falkan geystay uu daroogeeyey saaxiibadiisa ka hor inta uusan dhammaantood toogan.
Waxa uu intaas ku daray in sarkaalka la rumeysan yahay inuu dilalka geystay uu ka baxsaday goobta, isaga oo horey u kaxeystay baabuur uu ku qaatay hub iyo qalab kale.
Afhayeenka Taalibaan Qari Yusuf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay dhacdo taas ku duwan.
Waxa uu sheegay in Taalibaanka ay weerareen oo ay qabsadeen saldhigga booliis, ayaga oo dilay dhammaan saraakiishii booliiska ee halkaas joogay.
Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadiisa.

Leave a Reply