Dadka Daalka Badani Maaha Qof Maskax Badan

0
622

daraasad cusub oo lasoo saaray dhowaan natiijadeeda ayaa iftiimisay xidhiidhka ka dhexeeya qofka daalka badan iyo qofka maskaxda badan,waxaanay culimadadaraasadasi waday sheegeen in aanay maskax badan ahayn dadka inta badan daalka iyo caajiska badan.
khubaradan ayaa sheegay in dadka maskaxda badan ee caafimaadka qabaa ay inta badan ka badbaadaan caajiska iyo daalka,iyada oo ay jiraan unugyo saameeyaa.
khubarada daraasadan samaysay oo ka socotay wadanka  scotland ayaa warbixino kala duwan ka ururiyey dad gaadhaaya ilaa 100 kun oo qofk,kuwaas oo ku kala nool wadanka Ingiriiska,waxaana maalgelinaayey daraasadaasi xarunta cilmibaadhista dalkaasi iyo Baananka wadankaasi qaar kamid ah.
khubaradan ayaa is bar bar dhig ku samaysay qof walba oo tijaabadan maraayey ,iyaga oo sheegay in ay ogaadeen in uu jiro xanuun waxyeela unugyada maskaxda u qaabilsan shaqada joogtada ah,kaas oo keena daal iyo tabcaan aad u badan,waxaanu sheegeen in uu xanuunkaasi dilo unugyo kamid ah unugyadaasi.
khubaro kale oo ka socotay jaamacadda University of Edinburgh ayaa iyaguna ogaaday inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya unugyada maskaxda ,kaas oo keena inuu mararka qaar noqda mid taban ,kaas oo sababa in uu qofkaasi ku liito dhanka barashada xirfadaha iyo sidoo kalena heerka fikir ee maskaxda.
khubaradan ayaa sidoo kale sheegay inay ogaadeen in unugyadaasi ay saameeyaan in uu qofkaasi aad u karho xisaabaadka iyo maadooyinka qaarkood ay isa soo galaan xisaabaadkaasi.
khubaradan cilmibaadheyaasha ah aya sheegan in daraasadoodani ay muujinayso cadaymona u hayso in uu jiro unugyo dhanka caafimaadka dartii dadka ka dhigo kuwo daal iyo tabcaan badan dareema,kuwaas oo ugu dambaynta keeni kara in uu qofkaasi maskaxda dhiig kaga furmo iyo sidoo kalena xanuuno kale oo caalamka maanta ku badan.

Leave a Reply