Diyaarad Biyaha Si Sahlan Duuliye La'aan Ugu Dhex Mari Karta Oo Lasoo Saaray

0
318

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa caalamka kusoo badanaaya farsamooyinka kala duwan ee lagu horumarinaayo diyaaradaha,gawaadhida iyo tareenada,kuwaas oo awood loo siinaayo inay mari karaan meelo aanay hore u mari jirin.
khubaro ka socotay jaamacadda Oakland qaybteeda horumarinta ayaa soo saaray dhowaan diyaarad yar oo aan lahayn wax duule ah ,si fududna u dhex gooshaysa biyaha ,iyada oo loo adeegsanaayo waxyaalaha looga baahdo gunta hoose ee baddaha waaweyn.
diyaaradan cusub oo lagu magcaabo Color Kopetr ayaa ah mid laga maamulaayo computer-ka,taas oo sidoo kalena lagu xidhaayo kamarad,waxaana loogu talo galay inay waxyaalo macluumaada kasoo duubto badaha kala duwan hoostooda.
muqaalada ay soo duubto iyo sidoo kalena sawiradda ay qaado ayaa si fudud looga heli karaa oogada sare ee badda ,iyada oo aanay weli diyaaradaasi kasoo bixin gunta hoose ee biyaha ama baddaasi ay ku jirto.
diyaaradan ayaa waxa u suurtogelinaaya inay sawiradda iyo muqaalkaasiba soo dirto aalada Internet-ka oo isna ku rakiban diyaaradaasi hab samays ahaan ah,waxaana loogu talo galay inay inta badan adeegsadaan saynisyahanada ka shaqeeya arrimaha baddaha ee cilmibaadhisaha ka sameeya gunta hoose ee badda oo dhibaatooyin kala kulma intay ku jiraan shaqadaasi.
Dr Osama Rawashdeh oo ah madaxa cilmibaadhisaha iyo dabagalka jaamacaddaasi ayaa ka sheekeeyey sida ay diyaaradani ugu dhalatay waxaanu sheegay in ay diyaaradan ikhtiraaceen kadib markii ay arkeen dhibaatada khubarada culuumta baddaha kala soo derista baddaha hoostooda intay ku jiraan shaqadooda,taas oo gaadha khatar ahaan ilaa heer geeriyeed.
khabiirkan oo u waramaayey wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in ay doonayaan inay sii casriyeeyaan qalabkan,kaas oo ay doonayaan inay gaadhsiiyaan heer ay cod keliyaata xataa ku heli karaan waxyaalaha ay soo gudbinayso diyaaradaasi.
Dr Muwafaq Rawashdeh oo isna kamid ah khubarada diyaaradan ikhtiraacay ayaa sheegay in diyaaradan loo adeegsan doono meelaha dhibaatooyinku ka dhacaan,iyada oo lagu badbaadin doono dadka mahlakooyinka kala kulma meelaha duufaanadu ka dhacaan,sidoo kalena dhismeyaasha baddaha hoostooda laga sameeyo laftooda loo adeegsan doono,sida soo saarida saliidaha,dhismaha biriishyada,waxaanu sheegay in diyaaradani lee dahay hab ay kaga badbaadi karto libaax badeedka oo dhibaatada ugu weyn ee badda hoosteeda lagala kulmo ah.

Leave a Reply