Haddii Aad Gabadhaada Hadyad U Keeni Waydo Waa lagu Xidhayaa

0
328

Shuruucda iyo qanuunada dunida ka jira ayaa aad u kala duwan, iyagoo qaarkood ay xambaarsan yihiin  mucjisooyin, Tusaale ahaan Gobolka Sanfarnsiisko ee dalka Maraykanka ayaa laga soo saaray sharci mamnuuc ka dhigaya in suuqyda iyo goobaha dariiqyada wax raashin ah lagu siiyo shimbiraha xamaamka ah.  Dalka Maraykanka toddoba Gobol oo ka mid ah ayaan loo ogolayn dadka aan diinta haysan ee cawaanka ahi inay  ka shaqo laga siiyo sida sida shuuciyiinta.  Waxa kale oo gobolka Aiwa ee Maraykanka mamnuuc  ka ah in ninka khamriga cabsani la hadlo qof dumar.
Waxa kale oo gobolka Hawai ee Maraykanka caasimadiisa Hunu Lulu mamnuuc ka  ah in haddii ay cadceedu dhacdo aan la maqli Karin heesaha iyo gabayada.
Jasiiradaha Samoa haddii aanad gabadhaada maalinta dhalasheedada hadyad u keeni weydo waxa ku qabanaya sharci maxkamadda lagugu saari karo oo iskugu jira ganaax lacageed iyo xadhig.    Dalka Austareliya haddii aad doonayso in Laambada laydhka oo  xumaatay gurigaaga aad ka bedesho waa inaad fasax uga haysataa maamulka magaalada. Jasiiradaha maldef waxa iyana dembi ah in Kitaabka Kiristaanka loo qaato goobaha caamka ah.

Leave a Reply