Khubarrada Japan Oo Soo Saaray Masaasad Caanaha Naaska Hooyada Loo Isticmaalayo

0
328

khubarada caafimaadka wadanka Japan ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay inay soo saarayaan masaasad nooceedu cusub yahay oo loo isticmaalaayo caruurta iyada oo lagu shubaayo caanaha naaska hooyada.
khubaradan aaa sheegay in aanay masaasadani yeelan doonin wax Bacteria-yo ah iyo sidoo kalena Viruse ah,iyada oo lagu samaynaayo dawooyin kala duwan oo ka laaya waxyaalahaas oo dhan.
masaasadan ayaa iska caabiyaysa siday culimadan caafimaadku sheegeen wax walba oo dhibaato caafimaad keeni kara,waxaanay intaasi ku dareen in ay sumaysan tahay masaasadaasi ,suntaas oo dawo u ah caruurta ,laakiin ka hortegaysa Virus ka iyo bacteria-da labadaba.
waxa kale oo ay sheegeen dhakhaatiirtani in ay sameeyeen Proteins lamid ah kuwa caanaha naaska hooyada ku jira,kuwaas oo iyaguna ka qayb qaadanaaya meesha ka saarida waxyaalaha xanuunada keena,waxaanay ku magcaabeen Active Substance ,waxaanay sheegeen inay awood u lee dahay inay disho waxyaalaha Jeermiska ah oo dhan ,sidoo kalena ka hortagto xanuunada masaasadaha caadiga ah ka yimaada oo dhan.
khubaradan ayaa ku celiyey in ay caanaha naaska hooyadu yihiin kuwo ay ka buuxaan macdano badan oo difaac ah ,kuwaas oo ilmaha yar ka ilaaliya inay xanuuno badani ku dhacaan,iyada oo ay sidoo kalena ku jiraan kimikooyin badan oo loo isticmaalo maanta dawo ahaan caalamka.
 
 
 
 

Leave a Reply