Markii Uu Dhamaystay Caanihii Ayuu Dhintay!

0
341

Wuxuu u qeylinayay si xoog leh  markii uu ceelka ku dhacay isagoo dadka tuullada kaalmo ka doonaya. Dadkii tuulada ayaa maqlay dhawaaqii dheeraa ee baxayay waxaana ay u yimaadeen inay badbaadiyaan, markii ay ka soo saareen ceelkii ayuu nin soo qaaday madiibad caano ah siiyay si uu gaajada iskaga biiyo. Caanihii ayuu cabay, markii uu nastay ee uu dhergay ayay dadkii weydiiyeen sida uu ceelkan ugu dhacay.?
Ninkii ayaa bilaabay inuu muujiyo sida uu ugu dhacay, waxaana uu istaagay  meel ceelka afkiisa u dhowayd, waxaanu markiiba ku siibtay ceelkii laga soo saaray,  markan dhagax weyn oo gudaha ceelka ku dhinac kaga yaallay ayuu madaxa ku dhuftay isagoo intii laga soo saarayay ay naftu ka baxday madaama markan uu ahaa qof  kooma galay oo aan dhaqdhaqaaq lahayn.
Sh. Muqmaasi ayaa kitaabkiisa  ku qoray isagoo ku sharaxay kelmadahan: “Qisadani waxay innoo caddaynaysaa in ninkan risiqiisa ay u hadhsanay caanihii uu cabay , taasi oo markii uu dhammeeyay , uu goobtii markii hore kaga dhacay ceelka ay noqotay markan dambe tan noloshiisa khatintay. Markaa waxa cad in aan qofna dhimanayn illaa risiqiisa uu dhammaysto.

Leave a Reply