Qof Kasta Sida Uu Yahay Ayuu Ku Moodayaa!

0
389

Markii ay wada socdeen saddexda nin goor habeen madow ah waxay ku soo baxeen nin meel wadada ka baydhsan,  laakiin  meel u dhow qodaya , markaasi ayuu midkood yidhi : “Waxa laga yaabaa in ninkaasi uu qof dilay oo uu halkaasi ku aasayo habeenkaasi madow, kii labaad ayaa yidhi maya maaha sidaasi waxa laga yaabaa inuu yahay qof aan dadka aaminin oo lacagtiisa ayuu halkaasi ku aasanayaa”.
 
Kii saddexaad ayaa isna yidhi  “Maya maaha sidaa aad labadiinu u malayseen , waa ninkaasi weyn ee muuqaalkiisu wanaagsan yahay waxa laga yaabaa inuu doonayo inuu ceel biyood ka qodo.”
Haddaba xikmadu waxa weeyi qof kasta waxa uu yahay una fikirayo ayuu u malaynayaa inay dadku wada yihiin, kan wanaagsani wanaag ayuu ka malaystaa, kan xumina dhinaca xumaanta. Weel kastana waxa ku jira ayaa ka soo baxa.  Haddaba wanaaji malaha aad dadka ka qabto, sida aad u jeceshahay inay wanaaag kaa malasyteen.

Leave a Reply