Tareen Ku Shaqaynaya Birlab Oo La soo Saaray Taariikhda Markii Ugu Horeysay

0
321

Khubarro dhinaca gaadiidka ah oo u dhalatay wadanka Japan ayaa markii ugu horeysay taariikhda soo saartay tareen ku shaqaynaya birlab,kaas oo uu weheliyo wado  magnet ku shaqaynaysa .
wadadan ayaa lagu sameeyey birlabo aad u awood badan,kuwaas oo awood u leh inay joojiyaan taareenkaasi xawaare kasta oo uu ku socdo,waxaana laga sameeyey tareenkaasi iyo wadadiisaba caasimada wadanka Japan.
wadadan ayaa isku xidhi doonta magaaloyinka Tokyo iyo Nagoya ,waxaanay dherer ahaan noqon doona in ka badan ilaa 280 km.
dhismaha xaruntan tareenada ayaa ah mid aad u adag,waxaana bilawgeedu ka bilaabmay meel u dhow caasimada dalkaasi,waxaana la filayaa inuu bedelo xarunta ugu cidhiidhiga badan dalkaasi ee Shinagawa,taas oo dhulka ku aasan 40 meter,halka kanina noqonaayo ilaa 450 meters.
waxay wadadani maraysaa meelo buuralay ah ,waxaana dhererka buuraha dul marayaa noqonayaa  ilaa 25 km,waxaana la bilaabay dhismaha wadadaasi iyo tareenka mari doonaba sannadkii ina dhaafay iyada oo la rajaynaayo inuu dhamaado sannadka 2025 ka,iyada oo waqtigan la dhisay 1.4 km,waxa kale oo qorshaysan in gobolada ku dhow dhow magaaladaasi la gaadhsiiyo jidkaasi sannadka 2027-ka.
wadanka Japan ayaa noqonaaya wadankii ugu horeeyey ee isticmaala wadadaasi ku shaqaynaysa daynabada ama birlabta,taas oo dawlada wadankaasi ay sannadkii 2011-kii ku dartay qorshaha in la dhiso ,sidoo kalena lacagihii ku bixi lahaa ay ansixisay,waxaana sannadkaasi la bilaabay ilaa haddana socda dhismaha jid kan lamid ah oo noqonaaya dherer ahaan ilaa 286 km,waxaanu isku xidhi doonaa caasimada Tokyo iyo magaalada Nagoya.
jidkaasi lacagta ku baxaysa ayaa lagu qiyaasay inay noqonayso ilaa $45.8 billion ,halka ay ka shaqayn doonaan shaqaale gaadhaaya ilaa 15,000 oo qof,kuwaas oo mashruucaasi gaadhsiinaaya sannadka 2045 ka magaalada Osaki oo ah magaalada saddexaad ee dalkaasi ugu weyn.
tijaabo lagu sameeyey tareenkaasi aaa lagu sheegay in uu ku soconaayo xawaare dhana 603km/saacadii,isaga oo sidoo kalena noqonaaya tareenka caalamka ugu dheereeya,waxa kale oo uu tegi doonaa magaalooyinka Tokyo iyo Nagoya oo uu ku gaadhaayo wax ka yar saacad iyo afartan daqiiqo,halka kuwa dambe la doonaayo in laga dhigo saacad iyo sideed iyo toban daqiiqo.
 

Leave a Reply