Dhibaatada Dagaalka Yemen

0
350

Koox hormuud ka ah dhowrista xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxa ay ku eedaysay fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen in ay xanibeen gargaar lagama maarmaan ah oo ku socday magaalada Taaciz.
Human Rights Watch ayaa sheegaysa in Xuutiyiinta ay muddo bilooyin ah xadidayeen saadka cunnada iyo dawada ee ku socday magaaladaasi.
Taaciz ayaa waxaa ka dhacay qaar ka mid ah dagaaladii ugu xumaa ee dalka Yemen tan iyo markii uu dalkaasi ka dilaacay dagaalka sokeeyay sanadkii la soo dhaafay.
Inta badan dadkii halkaasi deganaa ayaa la sheegayaa in ay qaxeen. Qaramada Midoobayna ayaa waxa ay ku qiyaastay in ilaa laba boqol oo kun oo qof in ay weli magaalada ku hadhsan yihiin.
Dadkaasi ayaa waxay ku dhex jiraan Xuutiyiinta magaaladda ku hareeraysan iyo ciidamada ka soo horjeeda ee dowladda daacada ah u ah ee ku sugan bartamaha magaalada.
 
 

Leave a Reply