Mataano Isku Dheggan Kuwii ugu Da’ Yaraa oo la kala Jaray

0
355

Dhakhaatiirta  Switzerland ayaa sheegay in ay kala jareen mataano isku dhegganaa oo jirey siddeed maalmood oo keliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwii ugu da’ yaraa ee lagu guuleysto in laba qof  loo kala saaro.
Mataanaha oo dhashay bishii Disembar ayaa iskaga dhegganaa beerka iyo laabta.
Hawsha qalliinka ayaa la sheegay in ay ahayd fursadda guushu 1%.
Mataanaha oo ah laba hablood oo la kala yidhaa Lydia iyo  Maya, ayaa ku dhashay sideed wiig ka hor sidkoodii cusbitaal ku yaal magaalada  Bern, iyaga oo la dhashay ilme saddexaad oo isagu si buuxda gaar uga  ahaa, caafimaad qabana.
 
 
Koox caafimaad oo xooggan oo ka kooban 13 ayaa kala qeybisay mataanaha iyada oo ay ku qaadatay shan saacadood tobankii bishii Disembar.

Leave a Reply