Midowga Afrika oo ka Joogsaday Ciidamo loo Diro Burundi

0
330

Afhayeen u hadlay Ururka Midowga Afrika ayaa sheegaya in ciidamo Nabad Ilaalin ah ayna u diridoonin dalka Burundi ilaa inta dowladda ay bedeleyso mowqifkeeda oo ay ogolaaneyso in ciidamo la geeyo.
Ergeyga Gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika oo gobolka Harooyinka Waaweyn, Ibrahima Fall ayaa sheegay in aysan marnba hore u aheyn qorshaha Ururka Midowga Afrika in ay ciidamo Nabad Ilaalin ah geyso dalkaasi dowladda oo ogolaata  mooyee.
Kulanka madaxda Ururka Midowga Afrika ayaa looga baaraandegayaan in ciidamo nabad ilaalin ah oo gaadhaya 5 kun oo askari in loo diro dalka Burundi si la isugu dayo in la joojiyo rabshadaha Burundi ka socodo mudo bilo ah.
Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa sheegaya in uu u arkayo colaad haddii ay ciidamo ka socda Ururka Midowga Afrika soo farogaliyaan dalkiisa.
Go’aanka Mr. Nkurunziza uu sanadkii hore ku gaadhay in uu xili seddexaad u tartamo jagada madaxtinimada ayaa kiciyay rabshadaha hadda jira kuwaas oo lagu dilay in ka badan boqolaal qof oo rayid ah.
 

Leave a Reply