Waxgaradka Gobolka Xaysimo Oo Go’aamiyay In Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Iyo Doorashooyinka Laga Fuliyo Deegaankaas

0
451

Taleex (Dawan)- Shir ballaadhan oo ay isugu yimaadeen Madaxdhaqameedka iyo wax-garadka gobolka Xaysimo ayaa lagu falanqeeyay sidii ay bulshada deegaankaasi uga qeyb qaadan lahayd adkaynta arrimaha nabadgelyada, horumarka iyo ka qeyb galka doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada ee Somaliland.
Shirkan oo kulmiyay haldoorka iyo aqoonyahanka bulshada gobolka Xaysimo ayaa ka qabsoomay degmada Carroolay ee gobolkaasi, waxaana shirkan  lagu gorfeeyay sidii bulshada deegaanku ay kaalin muuqata uga geli lahayd diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee dalka ka socota, isla markaana ay codkooda uga dhiiban lahaayeen doorashooyinka soo socda.
Shirkan ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in bulshada deegaanka Xaysimo ay si mug iyo miisaan leh uga  qeyb qaadato dedaalada loogu jiro adkaynta nabadgelyada dalka, isla markaana ay walaalahooda kale ee reer Somaliland kala qeyb qaataan horumarka dalka ka socda iyo xaqiijinta himilada qarannimada
Cabdirashiid Aw Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa waxgaradkii shirkaasi ka qeyb galay oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhay wargeyska DAWAN,  isaga oo jooga degmada Carroolay ayaa warbixin naga siiyay shirkaasi iyo waxyaabihii la iskula qaatay waxaanu yidhi “Shirkan waxaa lagaga hadlay arrimaha nabadgelyada, horumarka iyo sidii ay bulshada deegaanku wax ula qabsan lahayd bulshada kale ee reer Somaliland.”
Cabdirashiid Aw Jaamac Xirsi waxa kale oo uu intaa ku daray “Shirka waxa kale oo la iskula qaatay in bulshada gobolka Xaysimo ay si mug leh uga qeyb qaataan diwaan-gelinta codbixiyayaasha ee ka socota jamhuuriyada Somaliland, isla markaana ay ummada deegaanku u diyaar garowdo in ay si nabadgelyo ah uga qeyb galaan codaynta doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiillada Somaliland ee la filayo in ay dalka ka qabsoonto sannadka 2017-ka.
“Sidoo kale waxaa kulanka laga soo saaray baaq ku wajahan xukuumadda Somaliland, baaqaasi oo ah sidii ay xukuumaddu u hawl gelin lahayd ciidamadii ka shaqayn lahaa ammaanka. guud ahaan qoddobada shirkaasi la isla qaatayna waxaa ka mid ah in si wada-jir ah looga shaqeeyo  nabadgelyada iyo horumarka, deegaankana laga fuliyo diwaan-gelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinka.”
Cabdinaasir Aw Jaamac, waxa uu intaas ku kabay  “Xukuumadda Somaliland waxaanu ka rejaynaynaa in ay noo samayso ciidamadii ammaanka sugi lahaa, isla  markaana deegaanka la soo gaadhsiiyo horumarka iyo mashaariicaha kala duwan ee dalka ka socda.”
Dhinaca kale, Taliyaha qeybta booliska gobolka Xaysimo Cabdinaasir Jaamac Bullaale oo muddooyinkii u dambeeyay kormeel hawleed ku marayay deegaannada hoos yimaada gobolka ayaa degmada Carroolay kaga qeyb galay shirkaas, waxaanu halkaasi kula kulmay odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee degmadaas, waxaanu halkasi warbixinno la xidhiidha amniga kaga dhagaystay Mawliid Cawil Cali Faarax iyo Faarax Cali Nuur iyo  Maxamed Askar oo ka mid ah haldoorka deegaankaasi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply