Afrika oo "daawa mamnuuc ah" lagu iibiyo

0
538

Cilmi baaris cusub oo ay soo saartay jaamacadda Oxford ayaa waxaa lagu sheegay in daawada laga mamnuucay daafaha caalamka lagu iibiyo qaaradda Afrika si isla xisaabtan la’aan ah.
Cilmi baaristan waxaa sidoo kale lagu ogaaday in 466 nooc oo daawa ah in laga mamnuucay caalamka markii la ogaaday inay dhibaato leeyihiin.
Laakiin 63 keli ah ayaa laga saaray suuqa Afrika, inta kalena qaaradda ayaa weli lagu iibiyaa.
Hogaamiyaha cilmi baarayaasha warbixinta Soosaaray, Dr Igho Onakpoya, waxa uu BBC-da u sheegay in wax ka yar boqolkiiba Shan ay dalalka Afrika leeyihiin hanaanka xakameynta iyo ka socodka daawada.
Waxa uu sheegay inay jirto sharci la’aan iyo inaan la diiwaangelin dhibaatada.
 

Leave a Reply