Cuntadda Talaagadaha Lagu Rido Oo Caafimaad Ahaan Laga Digay

0
378

Khubarro dhanka caafimaadka ah oo u dhalatay wadanka Australia ayaa daraasad ay sameeyeen dhowaan natiijadeedii ku sheegay in cuntada inta badan talaagadaha lagu kaydiyaa inay keento caafimaad daro.
saynisyahanadan ayaa intii ay daraasadan wadeen sameeyey baadhitaano kala duwan,iyaga oo baadhitaanadaasi mariyey intooda badan Laboratory ,waxaanay sheegeen in ay ku arkeen cuntadii ay laabka mariyeen oo ahayd cunto muddo laba cisho ah ku jirtay talaagad waxyaalo yar yar oo cuduro dadka ku dhalin kara.
cilmibaadheyaashan ayaa tilmaamay in cuduradaasi inta badan noqon karaan kuwo caloosha dadka kaga dhaca,iyada oo ay adkaanayso in la helo dawooyin lagula tacaalo,sidoo kalena laga yaabo in aan hore loo garan xanuunkaasi nooca uu yahay.
xeel dheereyaashan cilmibaadhista waday ayaa ka socday jaamacadda New South Wales University,waxaanay in muddo ah ku hawlanaayeen baadhitaanada cuntooyinkaasi mudada lagu hayo talaagadaha oo ay sheegeen inay khatar ku yihiin dadka .
xanuun dhaliyaha ay sheegeen inay ka heleen ayay sheegeen in uu sii siyaadiyo mararka qaarkood dheecaanada calooshu soo dayso,sidoo kalena ay taasi keenayso in qofkaasi uu cunto la’aan noqon kari waayo
khubaradan ayaa soo jeediyey in marka cuntadaasi laga soo saaro talaagada layska diiriyo si ay uga dhintaan waxyaalaha xanuunada keeni kara ee ku jira cuntadaasi oo ah kuwo intoodabadan ay sababi karto talaagada ay mudada ku jirayaan.
 

Leave a Reply