Gobol Ka Tirsan Dalka Shiinaha Oo Daanyeerku u Galay Kaalintii Caruurta

0
374

gobolka lagu magcaabo Baowan oo kamid ah dalkaasi Shiinaha ayaa noqday mid aad usoo jiitay indhaha caalamka,gaar ahaana indhaha warbaahinta ,kadib markii la ogaaday in dadka gobolkaasi caruurta ka jecel yihiin daanyeeradda oo ay aad u rabaystaan.
gobolkan waxa aad ugu yar caruurta,taas oo keentay in laga qiimeeyo Daanyeeradda oo aga jira kaalinta kowaad waxyaalaha aadka loo ilaaliyo,iyaga oo galay kaalintii caruurtu ugu jirtay dadka gobolkaasi degan.
qof kasta oo gobolkaasi ku nool waxa uu wataa ama haystaa daanyeer yar  ama mid weyn,isaga oo u diraaya waxyaalo kala duwan ,sidoo kalena ula dhaqmaaya sida dadka,waxaana lagu arkaa iyaga oo saaran mootooyinka iyo gawaadhida intaba.
dadkan gobolkan ku nool ayaa qaba fikir ah in daanyeerku ka kool koolin wanaagsan yahay caruurta,mana jirto sabab ay u hayaan,marka laga yimaado caruurta oo gobolkan aad ugu yar.
shaqooyinkii ay qaban lahaayen caruurtu ayay kuwo badan oo daanyeerkaasi kamid ahi qabtaan,inkasta oo dadkaasi ay ilaaliyaan daanyeeradaasi,waxaana qoorta ama lugaha lagaga xidhaa sil silado si aanay qas u samayn ama uba baxsa,waxa kale oo laga ilaaliyaa in la xado .
 

Leave a Reply